WAJAALE NEWS

“Ma In Diyaaradda Ethiopian Airline La Joojiyo Ayaa Qummanayd,Mise In Dadka Hutelada Haysta Lagu Qasbo Rakaabka La Socda”Abwaan Weedhsame.

HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo kamid ah hal Abuurka Reer somaliland Ee Sida badan ka Hadla Xaaladaha Siyaasadeed Ee Somaliland ka taagan Ayaa Dareen Celiyay Talaabada Xukuumada Madaxwayne Bixi ay ku xidhay Mulkiilayaal Huteelo diiday in Hudheelkooda lagu Kaarantimeeyo dad kasoo Noqday dalka dibadiisa oo la Doonayo in La Hubiyo Bad Qabkooda Caafimaad.

Sidoo kale Abwaan Weedhsame ayaa wax lala yaabo Ku Tilmaamay sobobta xukuumadu ujoojin wayday diyaarada itoobiyaan Airlines oo dalka maalin walba keenta rakaab balse ay ka doorbiday in ay xidho masuuliyiinta hudheelada Ee diiday in dadkaasi lagu soo dajiyo hudheelkooda.

Abwaan Weedhsame ayaa Qoraal Kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada Ee Facebookga Wuxuna dhignaa Sidan;

“Ma In Diyaaradda Ethiopian Airline La Joojiyo Ayaa Qummanayd, Mise In Dadka Hotelada Haysta Lagu Qasbo Rakaabka La Socda Idinku Meheradihiina Dejiya?

Kolka horeba Haddii Aan la hubin dadka imanayaa inay bed-Qabaan iyo in kale, Maxaa Ummadda Noloshooda Halis loo Gelinayaa?

Anigu weli maan garan danta xukuumadda ugu jirta Diyaaradani!!!

Allaha weyni belada ha ina baal mariyo isagaa awood lehe.Ayuu abwaan xasan daahir kusoo koobay hadalkiisa

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version