WAJAALE NEWS

DAAWO;-Hooyo Subax Walba Caruurta Waxka Barata Dugsiga 31may Ka Talaabisa Wadada Iyo Dhacdooyinka Ay Kala Kulanto!

HARGAYSA(W,N)-Hooyo Ilhaan Siciid Faarax waa hooyo muwaadin ah oo isku xil qaatay in ay wadada mashquulka badan ee wadaha magalaada hargaysa ka talaabisa caruurta yar yare e ardayda ah ee dhigata dugsiga dhalinta kacaan ee 31may ardaydaasi yar yar oo dhibaatooyin badan kala kulma ka gudbida wadadan oo gaadiidku xawaare ku maraan dhowr jeer sobobay in ay jiidhaan arday yar yar oo doonayay in ay ka gudbaan wadada taasi oo sobobtay in ay naftooda ku waayaan.

Hooyadan ayaa subax kasta wadadan ka talaabisa boqolaal arday yar yar iyadoo qaadata calan cas oo ay gaadiidka u taagto si ay uga joogsadaan caruurta doonaya in wadadan ka gudbaan.

Hooyo Ilhaan ayaa ka warbixiyay dhacdooyinka ay kala kulanto wadadan marka ay caruurta ka taalabinayso iyo mudadii ay wadan arintan tabarucaadka ah ee ay isku xil qaantay,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version