Washigton (WJN)- Sida ay qortay axios Dowladaha Mareykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah Dowladda Iiraan.
Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa lasoo sheegay inay seddexda Dowladood uga hadleen sidii xal looga gaadhi lahaa xiisadda u dhaxeyso Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan si Bariga Dhexe u noqdo aag nabadoon.
Seddexda Dowladood ayaa isku soo hadal qaadayey sidii xiisadaan loogu dhameyn lahaa qaab nabadgalyo ah oo aanu dhiig ku daadan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka