Dunida waxaa jira wax loo yaqaano “”Dawlad awood xadidan “” taas waxaa looga jeedaa waa Dawlad dhinaca sharciga iyo awooda dawladeed midna aan lahayn,hadana iyada oo sidaasa qaabdhismeedka iyo habka magac uyaalka Dawladeed ee ay u shaqaysaa waxa uu yahay in la helo kooxo dan laga fushado loona fuliyo.
Waa maxay Dawlad Xaddidan?
Dowlad xadidan waxaa loola jeedaa ,waa Dawlad dhinaca awooddeeda sharci la xadiday ujeedo laga leeyahayba , loona yeelay xayndaab aanay dhaafi Karin , iyada oo loo marayo nidaam sharci,waayo waxaa dhici kara in uu jiro sabab loo xadiday.
Wax dhib ah malaha in Dawladaasi ay yeelato qaab nidameed doorasho oo suureeya kii Dawaladaha dhanka sharciga dhamayska tirnaa, balse dhibtu waxa ay ka taagan tahay dhinaca awooda sharciga ,dawladina hadii aanay lahayn awood ay ku shaqayso meelna gaadhi mayso,waxaana xaq u yeelanaaya markasta in Dawlado kale ay soo faragaliyaan.
Marka aad maqasho magac u yaalka halku-dhigiisu yahay “Dawladda Soomaliya” runtii waxa qofka aan markaasi aqoonta buuxda u lahayn waxaa markaaba maskaxdiisa kusoo dhacaysa Dawlad awood dhamaystiran haysata,waa run marka laga eego dhinaca astaamaha sida Calan,Lacag Baarlamaan,Madaxwayne iyo Raysalwasaare xarago badan iwm.
Waa maxay Albaabka u horeeya ee Dawlad laga galaa ? Aniga aragtidayda waxa ay ila tahay waa sugitaanka Abniga guud iyo kan gaarba,hadiise intaasi la waayo Madaxwaynahii dalkana Abnigiisii guud iyo kiisii gaarba uu khatar ku jiro,cida ilaalisaana ay dahay Dawlado shisheeye ,halkaa waxa inooga muuqanaysa Dawlad la’aan.
Sheekadii Madaxwayne Sh Shariif sanadkii 2012.
Waxaa sheekadan sir-ridaariya uga sheekeynaaya Madaxwayne Sh Shariif ,isaga oo markaasi taabanaaya xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Muqdisho iyo Soomaliya,ujeedkiisuna uu yahay sida aanay Dunidu marnaba aanay diyaarka ugu ahayn in Somaliya ay ka hanaqaado Dawlad Awoodlihi.
Waxa uu yidhi Madaxwaynahu:
Waa goor habeenimo ah ,xasuustayda dhaw waxa ay ahayd xiligii Salaada Cishaa iga, waxaa si kadiso ah iisoo galay Telfoon aan markaasi garanaayo Masuurka iska leh,waan qabtay waanan la hadlay,ujeedadka wicitaankiisuna waxa uu ahaa , in aan si dhakhsa ah usoo gaadho Madaarka Muqdisho oo markaasi ay timi Diyaarad Nayroobi kasoo duushay,hawsha ay u socotayna aan horay waxba layga sii ogaysiin.
Balse hadana ujeedka safarka Diyarada waan fahamsanaa ,waana mid aan horeyba u filaayey in ay arintan oo kale iman karto ,waxa aan ka codsaday in ay ii yimadaan, balse hawl-wadeenadii Diyarada la socday waxa ay diideen in ay Guriga Madaxtooyada ee Viila-Soomaliya iigu yimaadaan ,cabsi ka jirta sida ay sheegeen Jidkee dheer ee isku xidha Madaarka iyo Madaxtooyada.
Maaha wax lala yaabo in cabsida intaasi leegi ay gasho dadka ajanabiga ah,waana arin anaga markaasi caadi noo ah, Muqdisho iyo meelaha la midka ah marka aad joogtana sida Afgaanistaan gaar ahaan magalada Kabuul waa arimaha aanu xalka u waynay ilaa hadda.
Hasayeeshee Masuulkii ila soo hadlay waxa uu ii sheegay in lagu wargeliyey in cabsi aad u xoogani ay ka jirto Jidka u dhaxeeya Madaarka Aadan Cadde iyo Madaxtooyada ku taala Xafada Wardhiiglay,taas awadeedna ma iman karayno ee noo kaalay ayuu hadalkii kusoo idlaaday; Anigu maan waydiinin cida ku wargalisay abni xumada Jidka,waayo waxa hawsha shaqada abniga Dalka Gudahiisa iyo dibadaba toos loogala soo xidhiidhaa Cidanka AMISOM.
Markiiba waxa aan u yeedhay ninkii Xoghayna ii ahaa,waxa aan ka codsaday in uu wargaliyo ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Madaxwaynahaba ee AMISOM,si ay aniga markaasi ii kaxeeyaan abnigaygana ay usogaan ilaa Madaarka.
Xoghayahaygii waxa uu si dhakhsaa markiiba igu soo warceliyey in Taliyahii ciidanka ilaalada Madaxwaynaha oo markaasi u dhashay dalka UGANDHA uu diiday in uu fuliyo amarkaygii,kadibna aniga ayaa u tegay,waydiiyeyna sababta uu u diidan yahay in uu isaga iyo Ciidanku u racaan madamaa ay shaqadoodii tahay.
Markii aan Taliyahii u tagay,Salaan gacantaag ah kadib waxa aan ka codsaday in isoo diyaariyo Babuurtii qafilnayd sida ugu dhakhsaha badan ,balse waxa uu so kooban iigu yidhi Madaxwayne Xaaladu caawa caadi maaha,waxa aanu helaynaa warar farabadan oo abni xumo sheegaaya.
Intaasi wixii ka danbeeyey waxa aan ka codsaday ,hadiiba ay sidaasi jirto in ay iyagu soo qadaan waftiga kooban ee Madaarka jooga iina keenaan,waxa uu si kooban ii yidhi taliyahu “” Madaxwayne arintaasi caawa ma samayn karno. amarna uma haysano””.
Markii aan waydiiyey cida uu amarka ka sugaayana waxa uu si kooban iigu sheegay , “”waa Taliye GEN ANDREW GUTTI”” oo markaasi ahaa nin cusub oo hawsha la wareegay , ,balse waxaa layaableh in Taliyahaasi Madaxtooyada looga amar qaadanayaa wakhtigaasi uu ku sugnaa dalkisii Ugandha.
In Taliye aan u dhalan Soomaliya uu dalka nagu xukumo maaha wax iminka na damqaaya,balse waxaaba taasi kasii daran in Taliyahiiba uu ku maqan yahay dhulkiisii,hadana amarka dhaqdhaaqa dawladnimadayada uu ka bixinaayo Aqalkiisa.
Wixii intaasi ka danbeeyey waxa aan go’aan saday in aan anigu is-dabaro,waxa aan si kadiso ah usugu yeedhay Ciidan kooban oo Qoyskayga ah ,horana Madaxtooyada iila joogay,waana Rag aan ku kalsoonahay, hadana waxkastaa waa ay dhici karaan waayo meeshu waa Muqdisho!! ,kadibna waxa aan u qalab qaatay in Askartaa Madawgaa ee na *Bahdilay aan ka xoroobo caawa wakhtikale ha joogtee.
Markii uu arkay Taliyahii Madaxtooyadu ee AMISOM in ciidan gaar ii ah aan diyaar sanaayo oo I kaxeeya ,waxa uu ii yimi isaga oo cadhaysan Talafoona dhagta ku haya,kadibna waxa uu ii dhiibay Talefankii,qabtay waaba Taliyahii guud ee Somaliya losoo magacaabay GEN ANDREW GUTTI.
Salaan iyo isfahamwaa naga dhex dhacay kadib, waxa uu ku soo koobmay wada hadalkayagii amar odhanaaya in aan saxeexo Warqad markaasi cadaynaysa in aan anigu qaadaayo Masuuliyada wixii dhibaato isoo gaadha ,waa hadii aan Madaxtooyada ka baxo anoo diidan Amarka iyo talada ciidanka AMISOM.
Dhaqaaq joogsi iyo hadba talaabo dib iyo horay u qaad ayaa iga soo hadhay,hasa yeeshee go’aan iyo gabogabo waxa aan ku gaadhay in aan taladooda qaato isla markaana aan baajiyo bixitaankii,waxa aan sidaasi u yelayaa waxa aan ogahay in waxkastaa dhici karaan.
Qosooyinkan iyo kuwo kale oo kasii daranba marka aad maqasho,waxa markaaba kusoo baxaysa in ay adag tahay in Dawlad iyo wax u dhawtoona aan lagu sheegin kooxahan sidan Dunidu u abaabushay,kuwaasi oo aan marnaba ka shaqaynayn danta umadaasi Soomaliyeed.
hi ay qaraar ka gaadhi keeda iyo go’amadeeda Masiirigaa in ay fuliso,
Waar ilayn Qof aan tashan waa loo taliyaa, mushkiladaha caynkaasi ahi maaha mid ku koobnayd Dawladii Sh Shariif,waa mid haysata walibana sii xoogaysatay Dawladahan yaryar ee magac u yaalka ah ee Muqdisho ka aasaasma. Xigasho Masuul sare oo anaan jeclayn magaciisa in aanu dadwaynaha la wadaagno.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar.