Maalmahan ugu dambeeyay, In badan oo kamid ah bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisu, waxay si aad ah ula socdeen, siyaabo kala duwana wax uga yidhaahdeen ama uga qorayeen xafladaha heerka sare ah ee sida gaarka loogu soo marti-qaado qurbe-joogta wadanka u dhalatay ee soo gaadhay dadkoodii iyo dalkoodii ay u maqnaayeen, haseyeeshee aan ahayn kuwo si rasmi ah u soo guryo-noqdey oo dib-u dejin u baahan.
Ugu horeyn, si kooban aan u qeexo fahamkeyga ku saabsan magaca “QURBE-JOOG”. Qurbe-joog waa qof qaxoonti ah oo ku nool wadan kale oo qurbe ah, si kale hadii aan u dhigo, waa qof uga soo haajirey dalkiisii hooyo durruufo gaar ahaaneed, hadase ku dhaqan dal shisheeye oo magan-geliyay, islamarkaana siiyay qaabilaad bini’aadanimo ama qaxoontinimo, kadibna lagu sadqeystay sharci deganaansho ama Jinsiyad dhalasho kale.
Kahor inta aanan u daadegin nuxutka qoraalkeyga, waxaan jecelahay in aan idin la wadaago dhawaaqyada qaar ka soo yeedhayay masuuliyiinteena qaranka oo hadalo ka jeediyay xafladii ugu dambeysay ee lagu qabtay Hargeysa. Waxay cod dheer ku baaqeen in dhul la siiyo qurbe-joogta si ay u dhistaan guryo ay degaan, madaama qiimihii dhulku sii qaaliyoobayo oo ay adag tahay dhaqaale ahaan inay dhul iibsadaan. Marka aad maqasho dhawaaq noocaas ah, waxa markaba maankaaga ku soo dhacaya weydiimo fara badan oo u baahan jawaabo waafi ah oo aad ku rafanayso. Tolloow qurbe-joogtu, miyay ka fadli badan yihiin dadka guda-jooga ah? Dhaqaale ahaan, miyay ka jilicsan yihiin guda-joogta? Dastuurku ma xuqquuq gaar ah buu siinayaa? Maxay tahay sababta ay ku mutaysteen tix-gelintan gaarka ah?. Dareenada ka dhashay xafladaasi, waxa si weyn looga arki karayay Is-weydiinta dadka dhexdooda, faalooyinka baraha iyo mareegaha internetka iyo xamxamta suuqa. Jawaabaha iyo fal-celinta laga bixiyay waxay ahaayeen kuwo tiro badan balse aan moodo in wali aan la taaban xaqiiqada.
Sharci ahaan, cidina ma dafiri karto xuqquuqda aasaasiga ah ee muwaadin kasta, ha ahaado qurbe-joog ama guda-joog. Dastuurka qaranka ayaa u damaanad-qaadaya qof kasta oo muwaadin ah inuu helo dhul naftiisa iyo hantidiisuba ku dhaqanto. Fikrad ahaana, ma xuma in qurbe-joogta wax la taro ama dhul la siiyo, haseyeeshee waxaa lagama maarmaan ah in aynu isla garano hannaanka, habka, hawsha iyo hadafka laga taageeri karo ama lagu dhiiri-galin karo? Sidee baynu uga faa’ideysan karnaa aqoonta iyo khibrada caalamiga ah ee ay kala yimaadaan wadamada Galbeedka? Sidee baynu ugu sameyn karnaa mashaariic dhaqaale oo ay ku shuraakoobaan si ay maal-gashi ugu sameystaan wadankeena? Mise waynu maalnaa uun oo biilasha reeraha, qaadhaanka siyaasada, xilal qaran oo abaal-marin ah iyo xaflado lagu amaano ayuun baynu ku soo koobnaa dheeftooda?
Sida aad ka wada markhaati tihiin maanta, dawlada gacanteeda kuma jiro dhul dan-guud ah oo ay u qaybin karto ku-dhawaad hal milyan oo qurbe-joog reer Somaliland ah, sidaa darteed miyaanay ka wanaagsanaateen hadii loo dejin lahaa qorsheyaal mashaariic la maal-gashan karo (potential investment projects). Qurbe-joogta iyo dadka kale ee gacanta ku haya dhaqaaluhuba, way ku dhiiran karaan in ay maal-gashadaan wadanka hadii loo muujiyo kalsooni xag sharci iyo xag siyaasadeedba. Ugu yaraan, xukuumadu waxay ugu deeqi kartaa qurbe-joogta in ay siiso dhul ay ka hir-galiyaan mashaariic wax-soosaar iyo wershado. Taasi waxay keeni kartaa kobac dhaqaale oo ku waajahan dakhliga dalka iyo shaqo-abuurka bulshada oo xal u noqon karta aafada shaqo-la’aanta baahsan ee wadankeena ka jirta.
Arrimahaasi waa kuwo u baahan in si heer qaran ah loo eego iyadoo la kaashanayo dadka indheer-garadka ah iyo aqoon-yahanka sidii loo dejin lahaa qorshe Istaraatijiyeed dhiiri-galinaya maal-gashiga iyo noocyada ganacsiga.
Hadaba aan u dego ujeedada qoraalkeyga oo intii macquul ah aan daaha kaga rogayo siraha qarsoon iyo danaha joogtada ah ee laga leeyahay xafladaha dhalanteedka ah ee lagu maaweeliyo qurbe-joogta. Axsaabta siyaasada iyo xisbul xaakimka oo dhala xukuumada markaa jirta, waa kuwa iyagu ka dambeeya ee shookaanta u haya inay soo macmalaan siyaasadaha guracan ee marin-habowga ku riday dibed-joogta. Danaha laga leeyahay waxa kamid ah kuwan hoos ku xusan:
1. Qurbe joogtu waa il dhaqaale:
Marka laga yimaado waxtarka ay dibed-joogtu u leeyihiin bulshadeena oo si weyn ugu tiirsan dhaqaalaha ka soo gala eheladooda ku dhaqan dibeda, waxa jira arrimo kale oo qurbe-joogta ku haya culeys dhaqaale. Waxay il dhaqaale u yihiin axsaabta siyaasada, mucaarid iyo muxaafidba. Madaxda axsaabtu waxay mar walba safaro ugu baxaan dibedaha si ay ula soo wareegaan lacago door ah oo ka soo xerooda qaadhaanka laga qaado qurbe-joogta. Dhaqaalahaasi wuxuu ka soo xeroodaa qurbe-joogta oo maal-gashada axsaabta ay door-bidayaan. Waxa jira wakiilo dibed wareeg ah oo heerar kala duwan leh kuwaas oo si joogto ah lacago uga soo urruriya dadka dibed-joogta ah ee wadamada Galbeedka ka xamaasha, kadibna qaadhaankaasi ku wareejiya madaxda axsaabta kala gedisan ee dirsatey.
Shaki kuma jiro, in dhaqaalaha ka soo xerooda qaadhaankaasi laga dareemo wadanka gudihiisa, gaar ahaan xilliyada hawlaha siyaasada iyo ololaha doorashooyinku socdaan. Lacagahan waxaa dhaameel looga dhigaa dhuuni-raacayaasha iyo maan-gaabka aan lahayn mab’da iyo aragti siyaasadeed oo ay aaminsan yihiin.
2. Saamayn Siyaasadeed Mid Maxali ah iyo tu Dubadeedba :
Maadaama ay qurbe-joogtu ka qayb-qaataan dhaqaalaha soo gala bulshada iyo dakhliga dawlada, taasi waxay keentay inay saameyn togan iyo mid tabanba ku yeeshaan masiirka umaddu ku dooraneyso cida ay u arkaan inay aayahooda ka taliso. Dalabka Axsaabta mucaaridka ah iyo xisbul xaakimku, kuma koobna oo kaliya dhaqaale ay ka helaan qurbe-joogta, sidoo kale xisbi kastaa wuxuu ka codsadaa dibed-joogta inay kala shaqeeyaan sidii ay eheladooda iyo asxaabtooda ku dhaqan wadanka gudihiisa ugu qancin lahaayeen inay codkooda siiyaan xisbigooda xilliga doorashadu qabsoomeyso. Taas badalkeedana, waxaa loogu balan-qaadaa qurbe-joogtaasi in loo magacaabi doono mansab ama xil qaran hadii xisbigaasi guuleysto. Bal dib u yara jaleeca doorka hogaamineed ee ay ku leeyihiin xukuumadan maanta iyo tii ka horeysay sida Golaha Wasiirada iyo ha’yadaha kale ee dawliga ah. Waxa kale oo la tilmaami karaa sida milgaha iyo wada-shaqeyntaba leh ee ay u soo dhaweeyaan madaxda qaranka marka ay u safraan qurbaha. Waxay ka caawiyaan madaxdeena safarada ay la yeelanayaan madaxda dibedaha. Taas dhinaceeda kale, waxay ku qaabili karaan inay kala hor-yimaadaan dareen diidmo ah iyagoo isu soo abaabuli kara mudaharaado salmi ah oo ka dhan ah masuuliyiinta qaranka marka ay booqashooyinka ku joogaan wadamada dibedaha. Taasi waa ta keentay in madaxdeenu il gaar ah ku eegto qurbe-joogta si aanay u kasban weji-gabax ay kala kulmaan safaradooda qurbaha kuwo shaqo iyo kuwo gaar ah labadaba.
3. Fullinta Dano shisheeye.
Sida inaguba aynu dan uga leenahay caalamka kale, ayaa iyaguna dano gaar ah inooga leeyihiin. Siyaasada wadamada galbeedka waxa ku jirta in ay soo saaraan dad asal ahaan ajanabi ah oo qaatay aqoonta iyo jinsiyada wadamadooda, kuwaas oo ay u adeegsan karaan inay ku gaadhaan danaha ay ka leeyihiin wadamadii ay asal ahaan dadkaasi ka soo jeedeen. Galbeedku waxay dhaqaale iyo farsamo ahaanba ka saacidaan dadkaas oo aan odhan karo waa “Wakiilo Qarsoon” si ay saamayn ugu yeeshaan wadamadii ay u dhasheen. Wakiiladaas qarsooni waxay ka shaqeeyaan sidii ay u fidin lahaayeen mabaadi’ida loo soo xambaarshay. Hadaba inaguna Somaliland ahaan inagoo danaheena gaarka ah ka fushaneyna wadamadaasi, waxaynu mar walba ku dedaalnaa inaynu siyaasada wadanka guud ahaan iyo gaar ahaan ta arrimaha dibeda u wakiilano ashkhaas ka yimid wadamada Galbeedka si ay inoogu noqdaan mafaatiix siyaasadeed oo inaga saara go’doonka siyaasadeed ee aynu 23-ka sano ku jirney. Hadii aad dib u xussuusataan inta badan Wasiiradii Arrimaha Dibeda ee labadan xukuumadood ee kala dambeeyay, waxay ahaayeen kuwo sita baasaabooro iyo aqoon ay ka soo barteen wadamada reer Galbeedka, waxa kamid ahaa;
Edna Aden Ismail – shaqsiyad wax ku baratay Britain oo si weyn looga yaqaano loogana qadariyo wadamo badan oo Galbeedka ah.
Abdilahi Mohamed Ducaale – American Citizen, wax ku bartay Mareykanka
Abdilahi Mohamed Omer – Netherland citizen, wax ku bartey dalka Britain.
Mohamed Bihi Yonis – American Citizen, wax ku soo bartay Mareykanka.
Dhinaca kale, musharixiinta saddexda xisbi ee doorashada 2015, dhamaantood waa niman sita baasaabooro ajanabi ah, waxayna kala yihiin sidan;
a) Xisbiga Kulmiye – Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo, waa muwaadin Ingiriis ah (British Citizen)
b) Xisbiga UCID – Jamal Ali Hussein , waa muwaadin Maraykan ah (American Citizen)
c) Xisbiga Wadani – Abdirahman Mohamed Abdilahi, waa muwaadin Finland ah (Finish Citizen).
Gebogebadii, anoo maanka ku haya saamaynta taban ee ay keentay buunbuuninta qurbe-joogta sida oo masiibada tahriibka iyo niyad-jabka ku iman kara shacabka guda-jooga ah, waxaan u soo jeedinayaa bulshada reer Somaliland inay si xil-kasnimo ah ugu xisaabtamaan awoodooda iyo cida ay u dhiibanayaan ka-tallinta masiirkooda.
Wa bilaahi tawfiiq
MohamedBade
Bade2014.ma@gmail.com
Germany