WAJAALE NEWS

DAAWO:-Maamulka Gobolka Gabiley oo Mashaariic Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Degmada Alley-baday.

Alley-baday (WJN)-Wafdi ka kooban mudanayaasha golaha degaanka Degmada Gabiley, Duqa degmada Gabiley Md. M-aamiin Cumar Cabdi , Ku-xigeenkiisa Md. Cabdi Yuusuf Daahir (Goole), Badhasaab-xigeenka gobalka Md. Cali Cabdi Cabdilaahi, Badhasaabka gobalka Md. Maxamed Axmed Xaaji Cismaan, Gudoomiye-xigeenka Hay’ada tayada Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiwaasac Allamagan ayaa si wada jir ah u furey ama xadhiga ka jarey Dugsi ay yagleeleen Bulshada degaanka Diin-goobaale iyo waliba Xarun caafimaad. Ka dib daah-furka labadaa mashruuc dawlada hoose ay ku Wareejisay agabkii Caafimaadka ee umada loogu adeegayey halka ay dugsigana ku dartey dugsiyada ay gunahooda kafaalo-qaadey, Sidaa waxa yidhi agabkiina wareejiyey Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Gabiley Md. Aamiin.

Wafdigu isaga oo socda isla markaasna sii wata hawlahooda ayaa waxay gaadheen deegaanka Kaam-barwaaqo oo ka tirsan Degmada Alley-badey oo ka tirsan Gobalka Gabiley, degaankan ayaa laga hir-galiyey dhisme uu binaynayo Pro: Cabdiwasac Allamagan oo ah Gudoomiye-xigeenka Hay’ada dhawrista tayada ee Qaranka, Isagaa muwaadin ahaan u maal-galjnaya MCh uu deegaanka yeelanayo, geesta kale Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley ayaa dhagax-dhigtey dhisme dugsi saddex fasal ah oo ay yadu fulinayso. Masuuliyiintii hadalka iska daba-qaatey waxa ay xuseen in bulshadani si wacan ay u tashadeen iskood lana garab taagan yahay si balaadhan. Waxa yaguna ka mid ahaa wafdiga Isu-duwayaasha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Duqa degmada Gabiley ayaa sheegay in ay dawlad Hoose ahaan lee yihiin gacan ku haynta iyo qalabaynta xarumahani haday tahay MChka iyo dugsigaba, yada oo ay hore dawlada hoose Dugsiga ay gacanta ku haysay Gunada Maamulaha iyo Ilaaliyeyaasha, waayo dawlada Hoose waxa ay gacanta ku haysaa In ka badan todoba iyo todobaatan tuulo dugsiyadooda iyo waliba ilaa shan iyo Toban tuulo xarumahooda Caafimaad ama daryeele, oo lagu guneeyo shaqaalayaasha ka hawl gala. Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley ayaa dar-dar galinaysa isla markaana adeegyada gaadhsiinaysa min degmo ilaa tuulo baahiyaha aas-aasiga ah daboolidooda yada oo ka duuleysa.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan;

Exit mobile version