WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Kulan La Qaatay Warbaahinta Madax-banaan Ee Jsl Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!

HARGAYSA(W,N)- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu weheliyo afhayeenka xisbiga Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guud ee Xisbiga waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha hay’adaha kala duwan ee saxaafadda.

“30-ka Wariye ee xukumaddu ku eedaysay in ay Xamar ka mushahar qaataan waa talaabo lagu cabsi galinayo Warbaahinta madaxa-banaan, waana meel ka dhac, xisbi ahaan waan ka soo hor-jeednaa waanan ka tacsiyaynaya Saxaafadda Somaliland eeddaas,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha ayaa saxaafadda u sheegay in uu ogol yahay madaxbannaanida saxaafadda si ay ugu warramaan si dhexdhexaadnimo ah oo xirfadaysan

“kulankani maaha mid aanu taageero idinkaga doonayno. Laakiin wuxuu daaran yahay in aynu si fiican isku xog-waraysano, wixii jira ee dhib nooc kasta leh,”

Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro

Saxafiyiinta kulankaasi ku sugnaa ayaa gudoomiyaha uga waramay xaalada xiligan ee saxaafada , yagoo su’aalo dhawrana ka weydiiyay xisbiga Waddani iyo doorkiisa saxaafada .

“Guddoomiye ahaan iyo xisbi ahaanba waan idiin baahanahay hadda barina waan idiin baahanahay (haddaan talada qabto).”

Waxa uu intaasi raaciyay “Diyaar baan idiin la nahay inaan idin difaacno, Waad na dhalliili kartaan “.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

Exit mobile version