Hargeysa (WJN)- Munaasibad hadhimo sharafeed ah oo lagu soo dhawaynayo Guddoomiyaha cusub ee dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Cabdicasiis Maxamed Jaamac, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Waxaa munaasibadan lagu soo dhawaynayo gudoomiyaha cusub ee Sonyo ka soo qayb galay xubno ka mid ah Wasiirada xukuumada, Agaasimeyaal, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo marti sharaf kale.