WAJAALE NEWS

DAAWO;-Bulshada Deegaanka Laas Geel Oo Eedo Culus Ujeediyay Wasiirka Gaadiidka.

“Madaxwayne Wasiirka Gaadiidku  Mashruucii Wadada Wuxu Ka Dhigtay, Mid Uu Isagu Leeyahay,  Iska Rogooyinkiibaa Ukiraysan, Cagafyadii Ayuu Isagu leeyahay”Waxgarada Laas Geel.

LAAS GEEL(W,N)-Cuqaasha iyo waxgaradka ku dhaqan deegaanka laas geel Oo katirsan  gobolka maroodi jeex ayaa eedo culus ujeediyay wasiirka wasaarada gaadiidka iyo jidadka Cabdilaahi Abokor oo ay sheegeen in uu qaab musuq maasuqaysan,eex iyo qaraabo kiil uu ubixiyay mashaariicda dhismaha wadada.

Odoyaashan iyo waxgaradka ayaa sheegay in wasiirka cabdilaahi abokor leeyahay gaadiidka, cagafyada iyo xataa kuwo cuntada ka iibiyay cida dhisaysa wadada berbera corridor

Bulshada ku dhaqan deegaanka laas geel ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu arinta usoo diro gudi xaqiiqo raadis ah oo ogaada sida wasiir cabdilaahi abokor umusuq maasuqay

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version