“Waxaanu leenahay Hadii 24sacadood Gudahood Lagu Siidayn Waayo Siyaasi Ramaax,Wixii Ka Dhaca Xukuumada Ayaa Ka Masuul Ah”Waxgaradka Degmada Sheikh.
SHEEKH(W,N)-Iskusoo bax balaadhan oo lagu diidan yahay sharci darada ah ee xukuumada madaxwayne biixi kula kacday siyaasi saleebaan cali hayste ramaax ayaa maanata gil gilay magaalada sheikh ee gobolka saaxil.
Dadwaynaha iskugu soo baxay jidada magaalada sheikh ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in si deg deg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo ramaax.
Sidoo kale waxgaradka iyo siyaasiyiinka magaalada sheikh ayaa fariin culus udiray xukuumada madaxwayne iyagoo xadhiga ramaax ku tilmaamay cago juglayn iyo cabudhin.
DAAWO; MUUQAALKA WARKAN;