WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Siidaysay Xoolo Ay Ku Xanibtay Xadka Lowyo Cado Iyo Wasiir Gaafaadhi Oo Ku Sugan!

SAYLAC(W,N)Xukuumada Somaliland ayaa xoolo laga soo celiyay dekeda dalka jabuti ku xanibtay xad udhexeeya labada dal kaasi oo mudo sedex cisho ah halkaasi ku xanibnaa.

 

Wasiirka wasaarada xaananada xoolaha somaliland iyo wafti dhakhaatir oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay  magaalada lowyo cado

Wararka aanu ka helay siidaynta xoolahan ayaa sheegaya in uu yimid kadib markii wada hadal dhexmaray ganacsatadii xoolahan lahayd iyo wasiirka xaanaanada xoolaha iyaga oo isku afgartay in xoolaha lasii daayo lana baadho caafimaadkooda

Waxaana maanta suurto gashay in xoolihii lasii daayo una soo gudbaan dhinaca somaliland.

Wasiirka wasaarada xaananada xoolaha ayaa wali ku sugan gobolka salal halka xoolihiina ay usoo gudbeen deegaano kamid dhul somaliland

WAJAALENEWS DESK

LOWYO CADO

 

Exit mobile version