|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Siidaysay Xoolo Ay Ku Xanibtay Xadka Lowyo Cado Iyo Wasiir Gaafaadhi Oo Ku Sugan!
October 25, 2019 - Written by Editor:SAYLAC(W,N)Xukuumada Somaliland ayaa xoolo laga soo celiyay dekeda dalka jabuti ku xanibtay xad udhexeeya labada dal kaasi oo mudo sedex cisho ah halkaasi ku xanibnaa.
Wasiirka wasaarada xaananada xoolaha somaliland iyo wafti dhakhaatir oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada lowyo cado Wararka aanu ka helay siidaynta xoolahan ayaa sheegaya in uu yimid kadib markii wada hadal dhexmaray ganacsatadii xoolahan lahayd iyo wasiirka xaanaanada xoolaha iyaga oo isku afgartay in xoolaha lasii daayo lana baadho caafimaadkooda Waxaana maanta suurto gashay in xoolihii lasii daayo una soo gudbaan dhinaca somaliland. Wasiirka wasaarada xaananada xoolaha ayaa wali ku sugan gobolka salal halka xoolihiina ay usoo gudbeen deegaano kamid dhul somaliland WAJAALENEWS DESK LOWYO CADO
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|