WAJAALE NEWS

Xoolo Laga Soo Celiyay Dekeda Jabuuti Oo Xukuumada Somaliland Ku Hor Joogsatay Xuduudka Lowyo Cado!

 “Amarka  Aanu Ku Hor Joogsanay Xoolahani, Wuxuu Kasoo Baxay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Jsl”Badhasaabka Gobolka Salel.

Xukuumada Somaliland Oo Xuduuda Lowyo Cado Ku Horjoogsatay Xoolo Laga Soo Celiyay Jabuuti+Sobobta 

SAYLAC(W,N)- Inka badan 300neef oo geela ah oo ay leeyihiin ganacsato reer somaliland lagana  soo celiyay Dhinaca Dalka Jabuuti ayaa xukuumada Somaliland labadii maalmood ee Udanbeeyay ku hor joogtay xadka udhaxeeya labada dal ee Lowyo Cado, Iyada oo diiday in usoo gudbaad Xoolahani dhinaca Somaliland,

Qaarkamid Ka Ganacsatada Xoolahan Leh oo  shabakada warar Ee Wajaalenews waxka waydiisay Arintan ayaa sheegay in Amarka xoolahan lagu joojiyay uu kasoo baxay badhasaabka Gobolka Salal Sobob loo haystana aanay garanayn Wakhtigana geelii xadka lama degaankaLowyo Cado ay ku hor joogaan ciidamada booliska iyo milatariga Somaliland. Waxaayna Yidhaahdeen iyagaa arintan ka waramaya “Geelaha waxaan kasoo celinay dekeda dalka jabuuti oo xoolaha aanu ka dhoofin jirnay, balse markii dawlada sucuudigu joojisay xoolihii uga tagayay  ayaa waxa dhacay in xoolihii lanagu soo celiyo sidaa ayaanu geela usoo celinay,

Sidoo kale ganacstada xoolahan leh ayaa intaa ku daray in xoolahani markii horeba ay ka tageen dhinaca Somaliland iyadoo si sharciya ay wasaarada maaliyadu ugu cashuurtay (hada  ma garanayno waxa loo hayso xoolahan iyo danbiga ay galeen xoolahan mashaahidiinta ah, badhasaabka ayuunbaa na hortaagan ayuu yidhi”Xasan cali oo kamid ah dadka xoolahani wax ku leh.

Dhanka kale Badhasaabka Gobolka Salel Mr Mawliid oo  aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay, waxna ka waydiinay sobobta ay xukuumad ahaan Uhorjoogsadeen Geelan laga soo celiyay dhinaca Dalka Jabuuti ayaa  sheegay in amarka ay ku hor joogsadeen uu kaga yimid Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland, Wuxuna Yidhi Isagoo Arinta ka hadlaya “ way jirtaa arintaasi Walal Amarka Aanu Ku joojinayna  Xoolahani wuxuu Nagaga yimid Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Iyada La xidhiidha oo ka waydiiy  Sobobta ”Ayuu Yidhi Badhasaabka Gobolka Salel.

Masuuliyiinta wasaarada xanaanada xoolaha oo aanu isku daynay in aanu waxka waydiino sobobta ay udiideen in xoolahani ay usoo gudbaan dhinaca Somaliland ayaanay soo suurto galin in anu helno kadib markii ay naga qaban waayeen telfanka gacanta,

Sikastaba ha ahaatee xaalada ay ku sugan yahay 300neef ee geel ahi ayaa laga dayrinayaa xaaladooda nololeed iyagoo labadii maalmood ee udanbeeyay ay ciidamo ku hor joogeen Xadka lama degaan  taasi oo sobobtay in aanay helin baad iyo biyo ku filan. Iyadoo lga cabsi qabo in ay  sobobto in xoolo badani udhigtaan xaaladan

Waxaana laga war sugu doonaan wasaarada waxaana xoolaha iyo maamulka gobolka salal talaabada ay qaadaan saacadaha soo socda.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version