HARGAYSA(W,N)- Qaarkamid ah Dadwaynaha degan buurta kale jeexan ee galbeedka hargaysa ee dhulka ay degan yihiin ay ku haystaan qoyska madaxwayne muuse biixi ayaa soo bandhigay lahaanshaha sharci ay uhaystaan dhulkan oo midwalba uu Kasoo baxay xafiisyada haayadaha dawlada ee ku shaqada leh.
Sidoo kale Qoysaskan ayaa diray fariimo isbarkan iyo qaylo dhaan ay udireen haayadaha kala duwan ee qaran.
Dhanka kale dadwaynahan ayaa fariin culus udiray maayarka caasimada iyo xildhibaan xasan shahar oo ku gafay sharcigii kasoo baxay xafiiskooda beena ay ka sheegeen wixii ay gacantooda ku saxeexeen.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;