WAJAALE NEWS

Raysal Wasaare Abiy Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiiro Uu Kamid Yahay Saaxibkiisii Guusha Lamma Magase.

ADIS ABABA(W,N)-Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa Dhowr Wasiir oo si weyn uga soo horjeeday aragtidiisa ku aadan maamulka dalka. Xilalkii ka qaaday isagoo kuwo cusubna magacaabay

Wasiirada uu xilka ka qaaday  ayaa kamid ah saaxiibkiisii guusha hayay xilka Waasiirkii gaashaanshigga Lamma Magarsa, oo xilka laga qaaday, horena u ahaa madaxweynaha kilalka Oromada.

Waxaa kaloo jira xubno kale oo xilalka laga qaaday, kuwaa oo lagu badalay madax cusub.

Dr. Qanca Yaadhetaa- Wasiirka Gaashaandhiga.

Dr Gediyoon Timoteewos- xeer ilaaliyaha guud.

Dr. Saamuel Hurkaato- wasiirka sayniska & tacliinta sare.

Eng. Taakale Umma -wasiirka macdanta iyo shidaalka.

Professor Hiruut Weldemaaryam lataliyaha Raysul wasaarahaArrimaha Bulshada.

Kilalka Oromada waxaa ka socday maalmahan banaanbaxyo rabshado wata oo lagu diidanyahay Abiy Axmed.

Exit mobile version