HARGAYSA(W,N) Xuuumada somailand ayaa xaqiijisay jiritaanka kulan madaxwayne biixi iyo waftigiisii ku dhexmaray magaalada barakaysan ee makah wasiiro xukuumada somaliya katirsan kaasi oo sawir laga helay hadalhayntiisu ku baahday warbaahinta maxaliga ah iyo baraha ay ku kulanto bulshadu,
Lataliyaha arimaha bulshada ee madaxwaynaha somaliland Cabdiwaaxid cabdiraxmaan cabdiqaadir oo warbaahinta caawa kula hadlay magaalada hargaysa ayaa xaqiijiyay kulankaasi isaga oo sheegay in aanay wax dhib ah lahayn in madaxwaynuhu la kulmo wasiiro somaliya ka socday oo ay xajka kuwada sugnaayeen.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;