GABILEY(W,N) Siyaasi Maxamed Muuse Qowdhan Oo kamida Aqoonyahan Gobolka Gabiley ayaa ka warbixiyay xaalada nololeed ee bulshada ku dhaqan deegaanada waqooyiga Gobolka gabiley oo ay saamaysay duufaantii Sagar kuwaasi oo xaalada ay ku sugan yihiin uu indhiisa kusoo arkay,
Sidoo kale siyaasi Maxamed ayaa badhasaabka gobolka gabiley ku dhaliilay in aanu gudan shaqadii loo soo igamaday ilaa maalintii lasoo magacaabayna aanu dhaafin gudaha gabiley,Kana warqabin waxa ka jira gobolka.
Dhanka kale Siyaasi Maxamed ayaa dhaliilay xildhibaanada golaha deegaanka gabiley Oo Mudooyinkii udanbeeyay khilaaf ka dhexeeyay isagoo ku eedeeyay in ay soo babaarugeen wakhti uu dhamaaday xiligii la doortay hadana aan looga baahnay muran iyo isqab qabsi.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;