WAJAALE NEWS

Dawladda Somalia Oo Ku Hawlan In Ay Dib U Soo Ceshato Maamulka Hawada

Muqdisho,(W,N) – Heshiis dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ICAO ayaa leysku afgartay in ku dhawaad 30 cisho kaddib Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka hawadda.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka soconayay dhismaha qeyb ka mid ah qalabka lagu kootaroolayo hawadda Soomaaliya oo durbaba dhismihiisa la bilaabay.

Wasiirka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Omaar aya wariyayaasha u sheegay in xadhiga laga jaray dhismaha qeyb ka mid ah qalabka oo lagu koontarooli doono saadaasha hawada.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda ICAO ayaa isku afgartay sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo wareejiyo magaalada Nairobi maamulka hawada Soomaaliya oo tan iyo markii ay dowladda soomaaliya bur burtay saldhig u ahaa, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Exit mobile version