WAJAALE NEWS

Ciidamada AMISOM Oo la Wareegay Amaanka Xarumaha Doorashada Ee Kismaayo

Kismaayo (W,N)- Wararka naga soo Gaadhaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland ayaa sheegaya in uu soconayo dhaqdhaqaaq ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland kula wareegayaan nabad-galyada guud ahaan xarumaha doorashada dhawaan la filayo in ay dhacdo.

Maalintii shalay Kismaayo waxaa kulan ku yeeshay taliyaha ugu sareeya howlgalka midowga Africa AMISOM iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe, kuwaa oo si qota dheer uga wada hadlay arrimaha doorashada.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in AMISOM iyo Jubbaland ay isku raaceen sidii loo sugi lahaa Amniga magaalada Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland, islamarkaana ay ka wada qeyb qaataan ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Doorashada Jubbaland ayaa u muuqata mid xasaasi ah oo dhinaca kale muran badanni uu ka jiro, madaama musharixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya sheegeen in aysan kalsooni badan ku qabin sida ay wax u maamulayaan guddiga doorashada oo ay ku eedeeyeen kuwa u janjeera dhinaca musharax madaxweyne Axmed Madoobe.

Laakiin guddiga ayaa eedeymahaa iska fogeynaya iyaga oo marar badan oo hore ka dalbaday musharixiinta guud ahaan in leysugu yimaado kulan wadatashi ah, balse laga biyo-diiday.

Waxaa muuqanaya in uu jiro loolan adag oo dhinacyo badan uga imanaya madaxweynaha xiligan ee Jubbaland Axmed Madoobe isaga oo wajahaya musharixiin ku bahoobay magaca-isbadal doonka iyo xitaa dowladda Soomaaliya oo kaalin muuqata ku leh doorashada.

Exit mobile version