GABILEY(W,N) Laba Xildhibaan Oo Kamida Golaha Deegaanka Gabiley Ayaa Goor Dhawayd Ciidamada Boolisku Xabsiga Utaxaabeen.
Xildhibaanad ayaa kala ah xildhibaan Mustafe Sayid Abokor oo laga Xidhay gudaha Magaalada gabiley iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed faarax Oo isana ciidamada boolisku ka qabteen kaantaroolka dhinaca arabsiyo soo xiga ee magaalada gabiley laga galo.
Xildihabaan Cabdiqaadir Maxamed faarax oo markii ay ciidamo Qabteen khadka Telka kula soo xidhiidhay shabakada Wararka Ee Wajaalenews.net ayaa noo xaqiijiyay xadhigiisa isaga oo Sheegay in la xidhay isla markaana ay kaantaroolka laga galo magaalada ay kusii sugayeen ciidan. Xildhibaanka ayaa ka tagay dhinaca magaalada hargaysa oo uu saaka yimid.
Maalintii shalay ayay ahayd markii sidan oo kale xabsiga loogu taxaabay afar xildhibaan oo kamida golaha deegaanka gabiley kuwaasi oo loosoo gudbiyay dhinaca magaalada hargaysa iyaga oo wakhtigan ku kala xidhan xarunta danbi baadhista iyo saldhiga dhexe.
Sicad looma oga in labada xidhibaan ee la xidhay iyagana loosoo gudbiyo dhinaca magaalada hargaysa iyo in lagu xidhi doono saldhiga Magaalada gabiley.
Wixii kasoo kordha xadhiga xildhibaanada gabiley kala soco wararkeena danbe
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE