HARGAYSA(W,N)-Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa 1/07/2019 Soo saartay qoraal ay haayada Somalia Stability Fund kaga Joojinayso shir ay ku qabanaysay huteelka Ambassador ee Magaalada hargaysa kaasi oo ay ku sheegtay in aan shirkaasi lagu qaban Karin dalka balse arintaasi ayaa noqotay mid aan hirgalin isagoo shirkaasi si caadi ah uga socdo huteel Ambasador,
Haayada ayaa shirkii ka wada magaalada hargaysa gaar ahaan huteela ambassador
Xogaha laga helayo shirka ay wado haayada Somalia stability Fund ayaa sheegaya in yihiin kuwo halis ku ah somaliland iyagoo huteelkan isugu keenay siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka kala socdo maamul goboleedyada somaliya.
Sidoo kale maamulka huteelka ayaa gabi ahaanba diiday in ay saxaafadu gudaha ugasho huteelka si ay wax uga waydiiso haayada wada shirkan iyo sobobta ay uga dhago adaygtay Amarkii xukuumada!
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;