WAJAALE NEWS

DAAWO; “Wakhtiga Adag Iyo Xilliyada fitnada Waxaynu kaga Bixi karnaa, Inaan Dadku Diinta Islaamka Saluugin”Sheekh Maxamed Dirir

“Dadku inay diinta Ilaahay ku kalsoonaadaan, oo aanay ka leexin  duufaanada iyo dareenada Shaydaanka, Maalka, Awlaada, waa sababaha lagu helo gargaarka Alle..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Hargeysa- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday Dadku inay diinta Ilaahay ku kalsoonaadaan, oo aanay ka leexin  duufaanada iyo dareenada Shaydaanka, Maalka, Awlaada, waa sababaha lagu helo gargaarka Alle.

Khudbadii Jimcaha ee maanta oo Sheekh Dirir kaga hadlayey asbaabaha lagu helo gargaarka Alle ayuu ku bilaabay:

“Aduunyadu waa meel dadku way ku imtixaaman yihiin, dhibkaasina waxuu u badan yahay dadka Muslimka, dhibkaasi mid dabiici ah oo Ilaahay ku ridday wuu noqdaa, mid iyagu (muslimiintu) sabab u yihiin iyo mid cadowgoodu sabab u yahay, intaba, waxaynu uga baahan nahay Ilaahay inaan gargaar ka helo, si uu inooga saaro.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in gargaarka Ilaahay een u baahan nahay waxuu leeyahay sababo lagu helo, waxaanu yidhi,

“Shareecada Ilaahay oo la hirgeliyo. Ilaahay markuu ummada abuuray kitaab ayuu soo raaciyey ay ku dhaqmaan, si dhibaatada uga baxaan. Kolay dadku shuruuc kale ayey adeegsadaan kala-haga, markaa inay sharciga Ilaahay qaataan oo ku dhaqmaan.”

Exit mobile version