“Guddida Aynu Maqalnay Ee Madaxweyne Farmaajo Ku Dhawaaqay Waa Guddi Uga Shaqaynaysa Sidii Ay Wada hadalada u Gali Lahayd soomaaliya”Siyaasi Buubaa.
Hargeysa(W,N):-Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay guddida uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalka soomaliland.
Siyaasi Buubaa ayaa sheegay in guddidan uu magacaabay madaxweynaha soomaaliya ay ka shaqayn doonaan qaabka ay dawlada Muqdisho iskugu diyaarinayso miiska wada hadalka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Guddida aynu maqalnay ee madaxweynaha soomaaliya ku dhawaaqay waa guddi uga shaqaynaysa sidii ay wada hadalada u gali lahayd soomaaliya, macluumaadka ay u baahan yihiin inay si fiican u soo darsaan iyo qodobada ay la imanayaana sida ugu haboon ee ay u soo jeedin karaan, iyada oo dawladuna doonayso in dunidu ogaato in dhinacooda ay diyaar u yihiin inay wada hadalo la bilaabaan somaliland.”
Siyaasi Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay isbadalada laga filan karo wada hadalka labada dhinaca waxaanu yidhi “Marka la bilaabo shaqada ee cid waliba ay si wanaagsan isku diyaariso ayaa laga hadli karaa waxa isbadali kara iyo waxa iman kara, muhiimaduna waxa weeyaan in marxalada lagu jiro ay cid walba isku diyaariso wada hadalka, waxaanay labada dhinac u baahan yihiin in si wanaagsan looga soo shaqeeyo wada hadalka iyo halka lagu wada hadlayo laakiin cida galaysa wada hadalka iyo sida loo gali doono taasi waxaa weeyaan wixii guddidan loo igmaday somaliland way u baahan tahay in dhinaceeda ay ka fikirto cidii arimahan uga shaqayn lahayd.”
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;