WAJAALE NEWS

Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Technolajiyada Jsl Oo Soo Saartay Amar Lagu Mamnuucayo Taagista Taawarada Cusub!

Hargaysa(W,N)Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi ayaa wareegto ka soo saaray Dhismaha Taawarrada iyo Goobbaha Isgaadhsiinta ee Cusub,waxaana uu dhamaan cidii Rabta in ay Taawarradda Taagto lagu amaray in ay soo maraan wasaaradda.

Wareegtadda Ka Soo Baxday Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Nuqul Ka Mid Ahi soo gaadhay xafiiska shabakadda caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Iyada oo ay Wasaaradda Isgaadhsiintu hirgelinayso qodobka 2aad ee Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta dalka Xeer Lr. 50/2011, dardar-gelinaysana habsami u adeegsiga goobbaha isgaadhsiinta ee kala duwan, isla markaana ilaalinaysa caafimaadka bulshadaiyo bedqabka deegaanka ku hareeraysan goobaha isgaadhsiinta, sidoo kalena ay Wasaaradda soo gaadheen cabashooyin ka imanaya qeybaha kala duwan ee bulshada oo la xidhiidha taawaradda laga dhiso goobbaha la deggen yahay.

Wasaaraddu waxay faraysaa dhammaan shirkaddaha haysta ruqsad-isgaadhsiinneed iyo TV-yada adeegsada hirarka isgaadhsiinta in aan goob ama taawar cusub la dhisi karin ilaa laga helo ogolaansho Wasaaradda iyada oo loo raaci doono dhisidda Taawaradda “Hagaha iyo Habraacyada Dhismaha Goobbaha Isgaadhsiinta” ee Wasaaraddu u dejisay arrinkan.

Sidoo kale, waxaan ka codsanaynaa dhammaan Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee arrinkani khuseeyo sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidanka Bilayska iyo Dawladdaha Hoose in ay gacan naga siiyaan dhaqan-gelinta Wareegtadan.

https://youtu.be/0ngoMs-zwkg

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Exit mobile version