Werwerkii iga hayey Soomaaliya wuu iga hadhay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan ku kalsoon nahay inuu gaashaanka u daruuri karo wiilasha ka taliya Villa Soomaaliya oo adduunyada kaga qadhaabta aqoonsiga rahmaadda ku ah maamulka Muqdisho ee hor iyo dabo-diidka ah 28kii sannadood ee la soo dhaafay.
Waxaan aaminsanahay inuu sutida u qaban karo dood fool-ka fool ah oo ay iskaga horyimaaddaan Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo), waxana libinta Madaxweyne Biixi ka keeni karo wadahadallo Somaliland la gasho Soomaaliya laga suurayn karaa feejignaanta uu cod dheer beesha caalamka ugu dareensiiyey sida uu uga calool weydsan yahay dhexdhexaadnimada dalka Turkiga oo gogosha wadahadalka dhigay, kaasoo Madaxweynaha Somaliland kashifay inuu taageero firfircoon u yahay dhinaca Soomaaliya. Sidaa daraadeed, waxa uu dalbaday in xeerbeegti caalami ah goob-joog ka noqdaan miiska wadahadalka, sidoo kalena la helo dal ka madax-bannaan arrimaha siyaasadda Soomaalida oo dhexdhexaadiye u noqda labada dhinac.
Madaxwexweynaha Somaliland waxa uu muddo laba sanno ku dhow oo uu xilka hayey fagaareyaal badan kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan madaxda xilligan majaraha u haya maamulka duruufaha madow hadheeyeen ee Muqdisho, taas oo ka muujinaysa sida uu ula socdo dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed iyo dhagaraha ay u maleegayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dabinnada siyaasadeed ee ay dibadaha uga maleegayaan.
Waxa kaloo marag-ma-doon ah in waayo-aragnimo ahaan madaxweyne Muuse Biixi aad uga khirbad iyo xogogaalsan yahay dhiggiisa Soomaaliya oo ah dhallinyaro qurbo-joog camal doon ka faa’iidaystay waddan nidaamkiisa maamul iyo dawladnimo la mid yahay odhaahda tidhaa, “Madax Geel Ninkii Qaadaaba Dhig!” waxana taas u daliil ah sida ballanqaadyadii Farmaajo u noqdeen qaar sida xumbada u gudhay oo xataa taageerayaashiisii aanay maanta ku niyadsamayn hoggaamintiisa oo uga sii dartay dhiriqdii siyaasadeed iyo amni-darro ee ka jirtay Soomaaliya.
Dadka qaar ayaa ku af-gobaadsada in Farmaajo aannu u jawaabin naqdiga Madaxweynaha Somaliland marar badan warbaahinta uga jeediyey, kuwaas oo ku dooda in uu yareystay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi, balse waxay u muuqataa inuu yaqiinsaday inaannu xilligan gaadhin waqtigii uu u jawaabi lahaa Somaliland oo marka uu dibadda u baxo si joogto ah beesha caalamku ugu xujayso inay Somaliland ku dhisatantay, iskuna bixisay cashuurta dadkeedu u huraan, iyagana looga baahan yahay inay la yimaaddaan jidkii ay kaga kaaftoomi lahaayeen qaadhaanka shisheeye ee dawladnimadoodu ku tiirsan tahay.
Sidoo kale, waxa daruuri ah in madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu la yimaaddaan qorshe ay maamulka Muqdisho kula tartanto diblomaasiyadda arrimaha dibadda si ay furfurto qufullada dawladda taagta daran ee Soomaaliya isku dayday inay Somaliland kaga xidho dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba. Waxa madaxweynaheenna looga fadhiya inuu ciyaaro xeelad kasta oo uu ku sii adkeyn karo in Itoobiya iimaansato iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland, kuna qanciyo masaalixda dhaqaale iyo maalgashi ee ay wadaagi karaan labada dal oo ka duulaya hindisaha “isdhexgalka ganacsiga” ee uu wado Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.
Waxa kaloo xukuumadda Somaliland lagu shirrabi doonaa sida ay awoodda u dul-dhigto inay cilaaqaad siyaasadeed, ganacsi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato dalka Eritrea oo ah mid ka soo miiraabay go’doonkii siyaasadeed oo uu ku jiray muddo tobanaan sannadood ka badan, kaas oo muujiyey hunguriga ka haya inay xidhiidh lugo adag ku taagan la yeesho Somaliland oo ah qaran ay dhow ula socdeen taabbogalkiisii oo duruufo is shabbahaa mataaneeyeen.
Ugu dambeyn, waan ka bogsaday welwelkii iga hayn karay in maamulka Muqdisho carqalad ku noqdo Somaliland tan iyo markii shacabku codkooda si xor ah ugu doorteen madaxweyne Muuse oo ah ruug-caddaa furfuri kara dagaallada dahsoon ee Farmaajo u maleegi karo Jamhuuriyadda Somaliland.
Faallo Cumar M. Faarax