WAJAALE NEWS

ABWAAN-WEEDHSAME OO TIX GABAY BAROOR-DIIQA KA TIRIYEY GEERIDA MARXUUM AXMED XASAN CAWKE.

Hargeysa(Wajaalenews):- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)  oo ah Abwaan ILAAHAY hibo u siiyey gabayaanimada, ayaa waxa uu tix Gabay baroor diiqa ka tiriyay  Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Weriyihii Caanka ahaa Marxuun Axmed Xasan Cawke oo shalay si heer Qarana loogu aasaay Magaalada Tog-Wajaale oo uu maro xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Abwaan-Weedhsame oo ah Abwaan ka caana dhulka Soomaalidu degto ayaa waxay tix-diisu u dhignayd sidan:

Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay

Duufaan xusuusuhu kacsheen  daali madaxayga

Dubaaqayga Qiirada Damqaday  Igu Dinnaahyeeye

Ilmo Dabarku Hayn Waayey  Oo Dhaba U Dareeraysa

Hadba Duugay Waan Duugayaa  Dooxse Lama Mooso

Damal Dhacay Docdiisii Banaan, Deyrka Naga Liicay

Xulad Dumay Haldoor Lagu Goblamay  Deeqsi Naga Hoyday

Nimcay Dihatay Hooyaba  Wed Baan Laga Dabbaalayne

Rabbi Baan Duruunsaday Baryanaa Waan u Dirayaaye

Inta Loo Daraadiyo Ilaah  Kaama Dhigo Deyro

Duddo Nabada Iilkaagu Noqoy Daarad Naxariisa

Qabrigaagu Daartii Janada Daa’im

 

Exit mobile version