WAJAALE NEWS

Itoobiya oo Internet La’aan Ah Maalintii Toddobaad

Addis Ababa (WJN) – Internet la’aan ayaa saamaysay inta badan dalka Itoobiya, arrintaas ayaana gashay maalintii toddobaad.

Internetka ayaa Addis Ababa ku soo noqday galinkii dambe ee Jimcaha balse waxay u muuqataa in uu wali ka maqan yahay qaybo badan oo dalkaas ah, sida uu ku soo warramayaan warbaahinta dalkaasi.

Adeegga fariimaha gaaban ayaa sidoo kale maqnaa tan iyo Khamiistii.

Adeegyadan maqan ayaa ku soo beegmaya Imtixaanaadka qaranka, taas oo dadka qaar ay sheegeen in ay tahay sababta keentay in khadku baxo.

Waxaa la isla dhex maray in tallaabooyinkaas lagaga golleeyahay in lagu joojiyo in ardaydu imtixaanaadka qishaan, balse xukuumaddu ma xaqiijin arrintaas.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version