WAJAALE NEWS

Booliiska Gabilay oo xidhay saraakiil Itoobiyaan ah oo Somaliland ka soo galay dhinaca Garoowe

Gabilay(Wajaalenews) Booliiska Gabilay ayaa shalay magaaladda Gabilay ku xidhay saraakiil Itoobiyaan ah oo Somaliland dhex marayey kuwaas oo ka soo galay dhinaca Garoowe isla markaana doonayey inay u talaabaan dhinaca Dalkooda.
Saraakiishan Itoobiyaanka ah oo qaarkood Somali ahaayeen, kuwa kalena xabashi ayaa watay laba gaadhi oo midkood yahay SURF halka ka kale-na ka ahaa Indhacade waxaanay wateen Nambaro kuwa safaaradaha ah oo ay ku qoran yihiin Somaliya.
Booliiska Gabilay ayaa ka shakiyey gawaadhidan markii ay waraysteena waxay u sheegeen sida wararku nagu soo gaadheen in ay saddex cisho Hargeysa joogeen isla markaana ay yihiin saraakiil Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya Somaliya, waxaanay geeyeen saldhiga magaaladaasi.
Gadiidka ay wateen Saraakiishan Itoobiyaanka ah ayay Askarta Kantaroolka Gabilay ka heleen Qoryo iyo Baastoolado kadib markii ay baadheen, taasoo markii ay weydiiyeen sharciga ay dalka ku soo galeena ay ka waayeen, waxaanay arrimahan oo dhami ku sii abuureen Booliiska Shakiga dhaliyey xadhigooda.
Madaxda Gobolka oo warbixin ka siisay masuuliyiinta ka saraysa ayaa la amray in ay Hargeysa u soo dhaadhiciyaan, waxaana iyaga iyo gaadiidkoodiiba lagu soo shubay xarunta danbi baadhista, halkaas oo ay wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka helnay sheegayaan in gaadiidkoodii lagu hayo, halka Saraakiishaas Itoobiyaanka ahna laga sii daayey.
Saraakiisha Booliiska oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino warkan way noo jawaabi waayeen kadib markii aanu garaacnay Telefoonadooda.
Xadhiga saraakiishan ayaa ku soo hagaagaya xilli ay Somaliland dhibaato xoogani ka hayso dhacdo lagu soo qabtay saraakiil kale oo Reer Xarshimeed ah, kuwaas oo Hub ka baadhayey gudaha Somaliland iyaga oo aan wax ogaysiis ah soo siinin dhinaca Somaliland, taasoo keentay in uu saldhiga dhexe ka baxsado maayarka Xarshimeed, arrintaas oo ay u xidh xidhan yihiin Taliyaha Saldhiga Dhexe iyo Askartii heeganka lahayd habeenka falkani dhacay

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

X  ;WAHEEN

Exit mobile version