Gabiley (WJN) – Waxaa saaka magaalada Gabiley si rasmi ah uga furmay Imtaxaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dugsiyada Hoose Dhexe.
Imtaxaankan ayaa waxaa u fadhiistay Ardayda tiradoodu gaadhayso 2o72 Arday oo isugu jiray Dugsiyada Sare iyo Dugsiyada Hoose Dhexe.
Dhinaca kale, waxaa goobaha u ka furmay Imtaxaanku kormeer ku tagay Badhasaabka gobolka Gabiley, Gudoomiyaha waxbarashada Gabiley, Taliyaha Hawl gelinta iyo Xoghayaha fulinta dawlada hoose.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wajaalenews Desk
Gabiley Office
Wajalenews@gmail.com