Qoraxey (WJN) – Wararka hadda naga soo gaadhaya dagmada Dhoobaweyn ee gobolka Qoraxey ayaa sheegaya dagaal lagu hoobtay inuu xalay xili dambe ka bilowday tuulada Ceel-lamood ee dagmada Dhoobaweyn ee gobolka Qoraxey.
Dagaalka ayaa lasheegayaa inuu u dhexeeyo laba beelood oo wada dega halkaasi, sida xogta aan ku helayno dagaalka ayaa salka ku haya ceel biyoodka “Ceelamood” oo ah tuulo u dhexaysa tuulooyinka Nagaad-weyne iyo Haarweyn.
Illaa hadda ma jiro war madaxbanaan oo si dhab ah u xaqiijiya inta ay le’egahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo bilowday xalay xili dambe.
Wixii warara ee ka soo kordha kala soco Shabakada Wajaalenews
Wajaalenews Desk
Jigjiga Office
Wajalenews@gmail.com