WAJAALE NEWS

Golaha Wakiillada Somaliland oo Meel-mariyey Xeerka Xawaaladaha

Hargeysa (WJN)– Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxay Xildhibaannadu qodob qodob ugu codeeyeen Xeerka Xawaaladaha oo muddo hor-yaalay isla-markaana dhowr fadhi kaga doodeen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo ku dhawaaqaya Natiijada u codaynta Xeerkaasi ayaa yidhi “Xeerka Xawaaladaha Somaliland waxa ansixiyey 35 Xildhibaan, 5 Xildhibaan way diideen, 7 Xildhibaan way ka aamuseen, xeerkaasi sidaas ayuu ansax ku yahay..”

Xeerkana ayaa wuxuu ka kooban 28 qodob.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version