|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiillada Somaliland oo Meel-mariyey Xeerka Xawaaladaha
April 1, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxay Xildhibaannadu qodob qodob ugu codeeyeen Xeerka Xawaaladaha oo muddo hor-yaalay isla-markaana dhowr fadhi kaga doodeen. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo ku dhawaaqaya Natiijada u codaynta Xeerkaasi ayaa yidhi “Xeerka Xawaaladaha Somaliland waxa ansixiyey 35 Xildhibaan, 5 Xildhibaan way diideen, 7 Xildhibaan way ka aamuseen, xeerkaasi sidaas ayuu ansax ku yahay..” Xeerkana ayaa wuxuu ka kooban 28 qodob. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|