“Dhaqdhaqaaqi dadka reer Somaliland ku doonayeen inay ka xoroobaan Ingiriiska ma aheyn mid ay ku doonayeen in dawlad gaar ah ay ku dhistaan ee wuxu ahaa mid lagu doonayey in dawlad Somaliweyn oo Shanta Soomaaliyeed ka kooban la sameeyo halka siyaasiyiinta Somalia ee dhadhamiyey macaankii awooda dawladnimada mudadi ay ku jireen xukun-daakhiliga intooda badani ku jihaysnaayeen inay sameystaan dawlad iyo dal u gaar ah oo ay iyagu wax ka noqdaan,maskaxdoodana kumay jirin wax la yidhaahdo Somaliweyn,
balse waxay isu diyaarinayeen kuraasta ay ku fadhiisan doonaan marka la gaadho 1 July 1960 taasoo aheyd taarrikhdii ay UN-ku u qoondeeyeen in la gaadhsiiyo madaxbanaani,halka reer Somaliland ay Ingiriiska ku riixayayeen inuu soo qadimo taarrikhda Istiqlaalka oo uu ka dhigo June 26 si 4taa cisho uun loogu diyaargaroobo israaca marka ay timaaddo 1July.
Dadka tirada yar ee reer Somaliland ee soo jeediyey in israaca dib loo yara dhigo waxa jiidhay hugunkii qiiraysnaa ee ku taamayey in Shanta Soomaaliyeed la mideeyo.Markay arkeen in raggi Xamar joogay aanay Soomaaliweynba dan ka laheyn xataa ismay odhan bal idinku reer Somaliland ahaan qayb laxaad leh ku yeesha hogaanka dawladda ka dhalan doonta israaca soo socda si aanu u xagal daacin halgankaad ugu jirteen qadiyadi Somaliweyn.Balse si ay siyaasiyiinta koonfurta ugu qanciyaan israaca waxay ka ogolaadeen in iyaga lagu taxo dhammaan xilalki dawladdi cusbeyd.Talo xumadaasi waxay keentay in dawladdi israacu ay gacanteeda ku burburiso dhammaan magaalooyinki,tuulooyinki iyo deegaanki Somaliland laheyd xusuuqdana in ka badan100,000 reer Somaliland ah taasoo kaliftay in kumanaan dhalinyaro ahi nafahoodi iyo laxaadkoodi ku waayaan halganki hubaysnaa ee SNM ee suurtagaliyey in reer Somaliland isu yimaadaan oo ay go’aansadaan inay lasoo noqdaan madaxbanaanidoodi ay iska lumiyeen israaci 1960.
Suxufi;Yuusuf Cabdi Gaboobe.