Dawladda Ingiriiska Oo Caddeysay Inay Somaliland Kala Shaqeynayso Doorashada Baarlamaanka, Kuna Ammaantay Guulaha ay Gaadhay
UK(W,N) Xildhibaan Stephen Doughty oo Su’aalo Somaliland Khuseeya Baarlamaanka ka hor Weydiiyey Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah
Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatay Guullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyey inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota.
Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu yeeshay baarlamaanka UK , oo Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto Koonfurta Cardiff uu wax waydiiday inay Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso Saameynta isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada soo socota ee Baarlamaanka iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;