Nairobi (WJN) – Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol, ayaa la kulmay Safiirka Dalka Switzerland u qaabilsan Geeska Afrika Dr. Ralf Heckner, kaas oo fadhigiisu yahay Nairobi.
Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in ay Safiirka Switzerland kala hadleen sidii dawladaha Somaliland iyo Switzerland u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadkooda gaar ahaan dhinaca horumarinta.
Baashe Cawil waxa kaloo uu intaas ku daray inay Danjiraha Switzerland ay sidoo kale isla soo qaadeen wada hadalkii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Wajaalenews Desk
Nairobi Office
Wajalenews@gmail.com