WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Somaliland Oo Deg Deg U Magacaabay Gudoomiye Ku-Xigeenkii Gobolka Sanaag Oo Maanta Xukuumadda Iska Casilay

Hargeysa(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goordhawayd wareegto digreeto ah oo uu soo saaray waxa uu si deg deg ah u magacaabay booska gudoomiye ku xigeenkii gobolka Sanaag oo maanta iska casilay gudoomiyihii hore.

 

 

Waxaana digreetada madaxwaynuhu u dhignayd sida tan.

 

 

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5160/102017 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

 

 

 

Exit mobile version