WAJAALE NEWS

Burco: Askari Ku Dhintay Iska Hor-imaad Dhexmaray Ciidamada Booliska iyo Dad Shacab Ah

Burco (WJN) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Hal Askari ku dhintay Iska hor-imaad deegaanka Fiqi Ayuub ee Gobolkaasi ku dhex maray Dad Shacab ah iyo Ciidammada  Booliska.

Dad Shacab  ah oo Gadoodsan ayay isku dhaceen Ciidammada Amniga, laakiin Dhagax ay Shacabku ku tuureen Ciidammada oo doonayey inay kala dareeriyaan ayaa sababay Geerida Hal Askari, sida Wararka Hor-dhaca ahi sheegayaan.

Illaa hadda lama oga waxay Shacabku ka gadoodeen, balse waxa maalmihii u dambeeyay halkaa ka socday dhaqdhaqaaqyo Macdan lagaga baadhayo dhulkaasi, taasi oo loo malaynayo inay tahay ta Shacabku ka gadooday.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version