WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Masuul Cusub Umagacawday Wakiilka Arimaha Ganacsiga Ee Safaarada Itoobiya.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Jsl Oo Xilkii ka Qaaday Wakiilkii Arimaha Ganacsiga Ee Safaarada Itoobiya Ufadhiyay Iyo Magaca Masuulka  Cusub Ee Loo Magacaabay!

HARGAYSA(W,N) Wasiirka Wasaarada ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska Jamhuuriyada somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa xilkii ka qaaday wakiilkii arimaha ganacsiga ee safaarada somaliland  ufadhiyay dalka Itoobiya  Cabdiraxmaan Cabdi Xasan,

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ayaa  xilkaasi umagacaabay aqoonyahan Cabdibaaskid Aadan Ibraahim.

Wasiirka wasarada ganacsiga ayaa wasaarada arimaha Dibada ku wargaliyay magaacisbtaasi isagoo safiirka somaliland ufadhiya itoobiya ka codsaday in xilkaasi si deg deg ah ugu kala wareejiyo labadan masuul

Waxaan lafilayaa in Maalmaha soo socda ay la kala wareegaan xilkan.

HALKAN KA AKHRI WARQADA MAGACAABISTA;

Exit mobile version