WAJAALE NEWS

Wariye Lagu Xidhay Laascaanood Isagoo Dhaawac Ah

Laascaanood (WJN) – Ciidamada booliska magaalada Laascaanood, ayaa caawa xabsiga u taxaabay Wariye Cabdi Keyse Tungub oo gobolka Sool uga wakiil ahaa Telefiishanka Bulsho.

Weriye Cabdi Keyse ayaa dhaawac soo gaadhey xiliga la qabanayey sida uu C/raxmaan Cali Ducaale wakiilka ururka SOLJA ee gobolka Sool uu xaqiijiyay.

Weriyahan ayaa markii labaad ah oo la xidho sanadkan iyadoo bishii February la xidhiy maalin kadibna wadahadal bahda saxaafadu ka shaqaysay lagu sii daayey.

 

Wajaalenews Desk

Laascaanood Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version