WAJAALE NEWS

Itoobiya Oo Jawaab Ka Bixisay Khariidad Muran Dhalisay Oo Soomaaliya Loogu Daray Dalkeeda!

Addis ababa (W,N) Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin sawir muran xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Addis Ababa.

Qoraalka oo la soo dhigay isla Website-ka sawirka lagu daabacay ayaa la yidhi: “Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka. Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan si kal iyo lab ah uga qoomameyneynaa jah wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan”.

Qoraalkan ayaa u muuqday mid ay dowladda Itoobiya ku sheegeyso inay ka xuntahay dhacdadaas, balse ma aha mid lagu xusay raalli galin rasmi ah.

Sidoo kale laguma xusin macluumaadka dhabta ah ee laga dheehanayay sawirka, arrintaasoo ahayd tii carada dhalisay, lamana soo hadal qaadin in Khariidadda ay muujineysay Itoobiya iyo Soomaaliya oo la isku daray, lagana dhigay Itoobiya oo kaliya.

Dadka Soomaalida ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawir lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaasoo muujinaya khariidadda Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya.

Sawirka muranka dhaliyay, oo ilaa iminka aanay ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa durba laga saaray bogga wasaaradda, kadib markii qeylo dhaan la xidhiidhta ay cirka isku shareertay.

Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay dooneyso wax ay ugu yeereen “dhul ballaarsi”.

Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.

Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aanay Suudaanta Koonfureed ka go’in Suudaan inteeda kale.

 

 

Exit mobile version