Hargeysa(W,N)-Safiirka Ingiriiska u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Mr Ben Fender , ayaa sheegay inaanay dunidu mahadin wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho, waxaanu siyaasiyiinta ugu baaqay inay gacan ka gaystaan xidhiidh dhab ah oo wax dhisaya.
Danjire Ben, waxa kale oo uu sheegay inuu qabo dareenka ay dad badani qabaan ee ah inay sii adkaanayso xaaladda in Somaliland lagaga dhex shaqeeyo mihnada saxaafadda. Safiirku wuxuu u waramay weriye Axmed Cali Cige oo ka tirsan Telefishanka HCTV, waxaanu waraysiga oo uu safiirku sidoo kale kaga hadlay arrimaha doorashada baarlamaanka iyo khilaafka xisbiyada uu u dhacay sidan:
Waxa jira khilaaf u dhaxeeya xisbiyada siyaasada Somaliland waanad la kulantay maxay u dhici wayday in xal rasmi ah loo helo caqabadaha taagan?
Dabcan su’aasha doorashooyinku waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland inay xal ka gaadhaan, doorashadii ugu danbaysay ee golaha hoose waxay ahayd 2005-tii run ahaantiina muddo dheer ayay ahayd waxaan jeclaan lahayn in Somaliland ay noqoto meesha ugu wanaagsan wayna noqon kartaa aragtidaydana taasi waa mudo dheer, waxaan ku boorinayaa xisbiyada siyaasada inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan si ay suurto gal u noqoto inay doorashooyinku wakhtigiida ku qabsoomaan dabayaaqada sanadkan, waxaan u malaynayaa inay mid muhiim u ah sumcada Somaliland iyo inay muhiim u tahay dhamaystirka siyaasada gudaha Somaliland waxaana jira dad badan oo da’ yar ah oo aan waligood cod doorasho dhiiban waxii ka danbeeyay doorashadii baarlamaanka, xubno baarlamaanka ka tirsan may arkin wajiyadooda baarlamaanka gudihiisa, sidaas daraadeed waxan filayaa inay muhiim tahay in xisbiyada siyaasadu ay raadiyaan tanaasulaad suurto galiya inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto dibu dhac la’aan, taasina maaha mid deg deg ku ah inay doorashadu qabsoonto waxa muhiim ah inay la yimaadaan xal siyaasi ah sida ugudhakhsaha badan.
Xukuumada Somaliland waxa lagu eedeeyaa inay ku xad gudbaan xoriyatul qawlka saxafiyiin badana waa la xidhaa, xubno mucaaradka ka tirsan ayaa xabsiga loo taxaabay iyo wargeysyo xayiraad la saaray, dadka qaar waxay yidhaahdaan dawlada Ingiriisku waligeed may canbaarayn talaabooyinkaas ka dhanka ah hanaanka dimuqraadiyada iyo isku xukunka sharciga maxaad arintaas ka leedahay ?
Waxaan la wadaagayaa walaaca ku saabsan falalkii dhawaanahan dhacay balse UK waxay ka jawaabaysaa inay gacan ka gaysanayso in sharciga dalku uu shaqeeyo waxaanu gacan siinaa garsoorka si aanu u taageerno hanaanka sharciga si loo xushmeeyo cabashooyinka xuquuqul iinsaanka sidaas daraadeed waxaanu taageernaa hanaanka cadaalada, tusaale ahaan anaga oo la socona oo qiimaynayna si loo gacan siiyo in xaakinadu aanay waxay doonaan u samayn oo ay lala xisaabtamo waxaanu barnaa hanaanka loo maamulo maxkamadaha iyo sida kiisaska maxkamadaha loo wado, waxaanu booliskana ku tabobarnaa xuquuqda aadamiga waxaanan u malaynayaa inay taasi tahay mid la taaban karo oo dhab ah waxaan doonayaa in ciidamada amniga ee Somaliland ay noqdaan kuwo wanaagsan waanay noqon karaa, taas oo ay macnaheedu tahay xushmaynta sharafta dhamaan dadka halkan ku nool.
Waxa jira walaac sheegaya inaad saxafi ka ahaato Somaliland arintaasi ma kuu muuqataa?
Arintaasi waa ay ii muuqataa, Uk waxay hoggaanka u qabtay wadamada caalamka ee taageera madax banaanida saxaafada waxaanu taageernaa shirarka waaweyn ee ku saabsan madax banaanida saxaafada,oo lagu qabanaayo London 10-11 ka Julay,saddexdii May maalinta madaxbanaanida saxaafada aduunka waxaan Muqdisho kula kulmay koox suxufiyeen ah waxaanan ka wada hadalnay arimo door ah oo saxafiyintaasi ay la kulmaan,waxaanu aad ugu wanaagsanayan taageerida madax banaanida warbaahinta anaga oo aaminsan in warbaahinta madax banaan oo la helaa ay burburin karto musuqa, iyo inay gacan ka gaysan karaan la xisaabtanka dawlada, taasina waxay noogu muuqataa tusaale bulsho kasta oo xor ah ilaa iyo hadda madaxbanaanida saxaafadu waa hadaf muhiim ah waana mid ka mid ah hawlaha wasiirkayaga arimaha dibada uu ku martigalinaayo qabashada shirka Julay.
Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya may qabsoomin muddo, dawlada UK-na waxay ahayd dawladii dedaalka ugu jiray wada hadalkaas, ma jirtaa jid cusub oo miiska wadahadalka laysugu keeni karo mar kale?
Waxa cad wada hadal kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe uu yahay mid aanay dawladahaasi mahadin, balse waxaan u sheegayaa siyaasiyiinta dhamaantooda in aynu si aad ah gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsooni lagu dhiso, waxaana arinta muhiimka ah ee qof waliba inuu ogaado ay tahay haddii ay talaabadaas qaadaan waxay heli doonaan taageero buuxda oo ay ka helaan bulshada caalamka waxaanan hubaa inay arintaasi iman doonto.