WAJAALE NEWS

Dawlada Kenya Oo Qabatay Lacag Uu Leeyahay Sarkaal Xidhiidh La Leh Qoyska Madaxweyne Farmaajo

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa ku warramay habeenkii Isniinta in lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi shandad ay ku jirtay lacag gaadhaysa 1.7 milyan oo doollarka Marekanka ah (Sh170 milyan) oo ka timid Soomaaliya.

Lacagta waxaa lala xidhiidhiyay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, wallow aan la magacaabin, balse warbixinta uu wargeyska baahiyay ayaa lagu sheegay lacagta oo la soo mariyay dhanka Itoobiya shaqsiga iska leh inuu xidhiidh la leeyahay qoyska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay lacagta la sheegay in lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta .

Balse, waxay arintani ku soo beegmaysaa xilli Kenya go’aan ka soo baxay maalin ka hor lagu mamnuucay xamuulka ka imaanaya Soomaaliya ee aysan cidna la socon, iyadoo xukuumadda Kenya ay ku goodisay in lala wareegayo dhammaan shixnadaha aan lala socon ee uga imaanaya duulimaadyada Soomaaliya.

Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa ayaa muddooyinkii u dambeeyay cirka isku shareertay tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku adkeysatay muranka badda ee labada dal u dhaxeeya in lagu dhammeeyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ku taalla The Hague.

Toddobaadyadii u dambeeyay tallaabooyinka ay qaaday Kenya waxaa loo arkayay inay wax u dhimeyso xiriirka, waxay Kenya tirtay heshiiskii duulimaadyada tooska ahaa, waxaa kalo ay dal ku galka u diidday mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyadoo dib loo soo celiyay wasiirro iyo xildhibaanno , taa oo jirta ayaan haddana ilaa hadda wax tallaabo ah aysan qaadin dowladda Soomaaliya oo ku cel celisay inay mar walba dhowrayso xiriirka Kenya.

 

Exit mobile version