TOG WAJAALE(W,N) Magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ee gobolka gabiley ayaa kamid ahayd meelihii sida wayn looga xusay maalinta lasoo noqoshada madaxbaanida somaliland ee 18may.
Maamulka maagalada tog wajaale ayaa xuska 28aad ee maalinta 18may siwayn usoo abaabulay iyadoo uu mishiinka hawalaha hagayay uu ahaa xoghayaha degmada oo isagu aan hadh iyo habeen ka seexan mudadii uu socday ugaar garowga 18may waxaanay kumanaan kamida shacabka magaalada Tog wajaale isku soo baxeen fagaaraha khayriyada wajaale kuwaasi oo lulaya calanka jamhuuriyada somaliland iyo heesaha ugaarka amaalin.
Shacabka magaalada wajaale oo ay horkacayaan maamulku ayaa socdaal ku maray jidadka magaalada.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Barmaamijka Debaal Dega 18may Oo Dhamaystiran;