Maamulka Wershadda Daqiiqda Bodhari Mills oo ka xog-warramay geeddi-socodka Mashruuc dhiirrigelinaya Wax-soo-saarka Beerlayda dalka
Hargeysa (W.N):- Dhismaha Wershadda Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills, ayaa xilligan gebo-gebo ku dhow, kaddib muddo sannad iyo dheeraad ah oo ay socotay hawsha dhammeystirka dhismaheeda oo laga yagleeyey deegaanka Abaarso ee galbeedka Caasimadda Hargeysa.
Wershadda Boodhari Mills oo loogu talo-galay inay soo saarto Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha, isla markaana ay ka qayb-qaadato in lagu sugo baahida cuntada laga soo dhoofiyo dibadda, waxa maalgashaday Qurbejoog kala duwan oo ka soo jeeda Somaliland kuwaas oo kala jooga daafaha caalamka iyo Dalka gudihiisaba.
Qorshaha Wershadda Bodhari Mills ayaa ah sidii loo dhiirri-gelin lahaa isla markaana loo maalgelin lahaa Beeralaysda Somaliland si loo soo saaro Sarreen ama Qamadin ku filan wax-soo-saarka daqiiqda, si mustaqbalka dhow meesha looga saari lahaa baahida qamaddi dalka dibaddiisa laga keeno.
Maamulka iyo masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha wershadda ayaa xilligan ku hawlan sidii loo taabbo-gelin lahaa Wax-soo-saarka Wershadda Daqiiqda ee Boodhari Mills, iyadoo xilligan la gudo-galay wejigii labaad ee soo-iibinta qalabka ay ku shaqayn lahayd wershaddu, kaas oo laga soo iibiyey waddamo ku yaalla qaaradda Yurub isla markaana la filayo in qalabkaas dalka keeno bisha todobaad ee sannadkan.
Guddoomiyaha Wershadda Bodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawsha wershadda iyo qorshayaasha mustaqbal ee wax-soo-saarkeeda, waxaanu carabka ku dhuftay doorka ay ku yeelanayaan dhiirri-gelinta beeralayda dalka.
“Waxaanu dhawaan tagnay qaaradda Yurub, waxaanu soo kormeermay goobta qalabka wershadda laysugu dubba-ridayo, taasoo ah shirkad aanu siinay qandaraas oo aanu heshiis wada-galnay si jadwalkii loogu tala-galay ay hawshu ugu dhammaato. Aad baanu ugu faraxsanahay in bisha todobaad ee sannadkan ay iman doonto wershaddii Boodhari Mills oo lagu rakibi doono deegaanka Abaarso.
Qorshaha Wershadda Bodhari Mills ayaa ah sidii loo dhiirri-gelin lahaa isla markaana loo maalgelin lahaa Beeralaysda Somaliland si loo soo saaro Sarreen ama Qamadin ku filan wax-soo-saarka daqiiqda, si meesha looga saari lahaa baahida qamaddi dalka dibaddiisa laga keeno.
Guddoomiyaha Wershadda Boodhari Mills oo hoggaaminaya khubaro ku xeel-dheer Cilmiga dalagga iyo deegaanka, ayaa dhawaan kormeer ku soo maray dhul-beereedyo ku yaalla gobollada Gabiley iyo Awdal, halkaas oo ay ka soo diiwaangeliyeen 90 beerood oo laga beeri doono dalagga Qamaddiga oo wax-soo-saarka wershadda udub-dhexaad u noqon doona.
Sida uu sheegay Guddoomiye Cabdiraxmaan, Dadka Beerlayda ah waxay shirkaddu ugu deeqay Siidhka Qamadiga ee laga beerayo, Qalabka lagu qodo beeraha iyo weliba Qalabka lagu jaro Dalagga, Iyadoo marka dallagu soo go’ana ay Wershaddu ka iibsan doonto beeralayda Qamaddiga u soo go’ay.
“Haddii aad tidhaahdo waxa ay wershaddu soo saarayso dibadda ayaan ka keenayaa, faa’iidadu way yaraanaysaa. Markaa annagoo taas daba-soconna, waxaanu soo diiwaangelinay 92 beeraleyda deegaanka Gabiley iyo Awdal xilligan wakhti-roobaadkii la joogo. Waanu bilownay inaanu dhulkii qodno, siidh fara badan baanu dibadda ka keennay, heshiisyadii aanu wada-galnay beeralayduna waxa weeyaan iyagu badhbay qaadanayaan, shirkadduna badhbay leedahay, inta kalena waa laga iibsanayaa,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan, waxaanu intaas ku daray inay jiraan wada-hadallo u socda beeralayda gobollada Bariga dalka, hawsha diiwaangelintana, Qaybinta Siidhka iyo Qalabka Beer-falashada laga bilaabi doona xilli-roobaadka soo socda.
“Siidhka, qalabka Shinniyeynaya, qalabka goynaya, gaaska; waxaas oo dhan annagaa gelinayna beerta, qofkii beerta iska lahaana waxa looga baahan yahay inuu ka ilaashado Xoolaha. Marka dalagga la soo gooyo, qofka beerlayda ahi waxa uu arkayaa faa’ido fara badan oo wuxuu arkayaa dhul badan oo iska bannanaanaa markii hore oo dhaqaale uga soo baxay,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan.
Dhinaca kale, Dadka Beeralayda ayaa soo dhaweeyey mashruuca shirkaddu u hirgelinayso iyo dhaqaale-abuurka loo samaynayo, waxaanay ballan-qaadeen inay si buuxda ula shaqaysanayaan shirkadda isla markaana ay xoog iyo aqoonba ku taageerayaan wax-soo-saarka Wershadda.
Cabdiraxmaan Xasan Cumar oo ka mid beeralayda deegaanka Qabri-baxar, ayaa yidhi “Aad iyo aad baanu u mahad-celinayaa shirkadda, siidhkiina way keeneen, waxaanu rejaynayaa tijaabada ugu horeysa inaanu ka midho-dhalinno maadaama aanu nahay dad khibrad u leh xagga beeraha inaanu wax-is-dhaafsan doono oo iyaguna nagu soo kordhiyaan oo durba ay na hawl-geliyeen si dadku Qabadinka u beeri lahaa, loogana iibsan lahaa. Taasina waxay keenaysaa inaynu noqonno dadka ku nool Somaliland oo isku filan gacantooda wax ku soo saara.”
Dhanka kale, aqoonyahanka ku xeel-dheer dhinaca Beer-falashaa, ayaa sharraxaad ka bixiyey faa’idada ku jirta iyo baaxadda ay le’egtahay midho-dhalka laga filan karo mashruuca iskaashi ee dhexmaray Beeralayda iyo Wershadda.
Sulub Cali Amaan oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer cilmiga Beer-falashada iyo Dallagga oo muddo 40 sanno kudhow hawshan ku soo dhex-jiray, ayaa sheegay in iskaashiga dhexmaray beeralayda iyo wershadda Bodhari Mills laga filan karo wax-soo-saar baaxad leh oo qayb muhiim ah ka qaadanaya dhiirrigelinta Beeralayda dalka iyo sidoo kale isku-filnaansho dhinaca cuntada ah.
“Bodhari Mills fekerkan iyo mashruucan ay keeneen, waa kii ugu habboonaa ee waddanka wax-soo-saarkiisa kor u qaadayey. Waayo mashruuc odhanaya in beeralaydii ay dhinac ka maalgeliso, dhinacna ay niyaddoodii dhisto oo ay kor u qaaddo sidii wax loo beerayey. Sababta ugu weynina waxa weeye in wixii dalka ka soo baxayey suuq loo helo. Mararka qaarkood waxa dhacda intuu roob wanaagsan da’o oo hadhuudhka iyo Galleydu baxdo haddana la waayo cid iibsata, sannad dambena waxa dhacaya inuu khasaare yimaaddo oo aanay dadkii waxba beerarin,” Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Sulub Cali.
Si kastaba ha ahaatee, mashruucan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyey noociisa muddadii ay Somaliland jirtay ee Qayb libaax leh ka qaadanaya dhiirrigelinta Beeralayda iyo wax-soo-saarka Dalagga dalka oo abuuraya shaqo-abuur loo baahan yahay, taas oo ibo-fur u noqonaysa qorsheyaal heer qaran ah oo lagu jaan-goynayo isku-filnaanshiyaha dhinaca Cuntada dalka dibaddiisa laga soo waarido iyo sidoo kale wax-soo-saarka Calafka xoolahaa oo xakamaynaya saamaynta ay beeralayda iyo reer-guuraaga ku yeeshaan abaaraha kala duwan ee xilliyada qaarkood ka dhaca dalka.