WAJAALE NEWS

Xukuumadda Somaliland oo Gargaar Deg Deg Ah Gaadhsiisay Dadka Barakacayasha Ah Ee Dabku Qabsaday

Hargeysa (WJN)– Guddoomiyaha hay”adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabddikariin Axmed Maxamed “Xinif” oo ay weheliyaan Wasiirka wasaarada Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxmuud Caydiid “Soltelco”, oo si wada jira u wada qabtay shir jaraa’id, ayaa sheegay in ay gurmad deg deg ah ay Xukuumadu u samaynayso dadkii ay guryahoodii ku gubteen dabkii xalay ka kacay xaafad ay degenyihiin dad barakacayaal ah oo ku yaala Hargeysa.

Sidoo kale masuuliyiintan ayaa sheegay in isla maanta ay dadkaasi waxyeelada ka soo gaadhay dabkaasi ay gaadhsiiyeen kaalmo yar oo dhiig joojin ah, baalse gurmad dhamaystiran loo samayn doono.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version