WAJAALE NEWS

UCID iyo KULMIYE oo Ka Shaqaynaya Ansixinta Xeerka Doorashada Wakiilada

Hargeysa (WJN)– Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa Maanta kulan la yeeshay Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Kulankan oo Saxaafaddu dibedda ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxa faahfaahiyey ujeeddada kulankaasi Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Prof Ebyan, waxaanu sheegay inay shir-guddoonka Baarlamaanka kala hadleen inay ansixiyaan xeerka dib loogu soo dooranayo Golaha Wakiillada ee muddada hor-yaallay.

Ebyan oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo ah Labada xisbi e UCID iyo KULMIYE ee go’aanka ku gaadhay inay qabsoomidda doorashada ka shaqeeyaan, waxaanu Maanta la kulanay Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka, waxaanuna ka wada-hadalnay xeerka doorashada Baarlamaanka ee Muddada hor-yaallay Baarlamaanka sidii ansixin lahaa, si doorashadu u qabsoonto iyo arrimo kale oo ku saabsan saami-qaybsiga…”.

Kulankan waxa Xisbiga Kulmiye ku matalayey Wasiirka arrimaha gudaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbigaasi, halka UCID-na ay matalayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Musharraxii Madaxwene ku-xigeenka, ku-xigeenka Xoghayaha guud iyo xubno kale.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

 Hargeysa Office

Exit mobile version