WAJAALE NEWS

Aqoonyahan ka Soo Jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag Bari Oo Eedihii Ugu Cuslaa u Soo Jeediyay Hogaaminta M/siiraanyo Iyo Wasiirada Ay Isku Beesha Yihiin.

Waxay Xukuumada Talada Haysaa  Caadaysatay In Ay Xilalka U Dhiibto Niman Ay ‘Abti u Yihiin Iyo kuwo ay Ooryo Walaal Yihiin, iyo Kuwo Kale Oo ku Ladhan oo Dilaaliin ah,Aqoonyahan Cabdikariim.

HARGAYSA(Wajaalenews) Aqoonyahan C/KARIIN SAALAX MAXAMUUD OO AH SIYAASI KA SOO JEEDA G/BARI oo shir jaraaid ku qabtay  Hutel Xaraf isagoo dhaliilihii ugu cuslaa u soo jeediyay hogaaminta madaxwayne siiraanyo iyo Wasiirada ay isku beesha yihiin waxaanu ugu horayn ka war bixiyay shaqsiyadiisa isagoo sheegay in ku dhashay  Magaalada Laascaanood ee G/SOOL  Waxbarashadiisii Hoose iyo Dhexe ku qaatay Magaalada Muqdisho  halka Waxbarashadiisii  Dugsiga Sare iyo Jaamacadeed ku dhamays tirtay Dalka USTAREELIYA M/MELBON

Aqoonyahan C/kariin Saalax Maxamuud waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan ugu horayn waxaan Salaamaya Saxaafada Madaxa Banaan  anigoo Shirka jaraaid u qabtay in aan ku cadeeyo una iftiimiyo Salaadiin Cuqaasha Waxgarad Aqoonyahan  iyo qof kastoo  u damqanaya oo jecel wada jirka guud ahaan Bulshada S/LAND intaa ka dib Aqoonyahan C/kariin waxuu ku eedeeyay Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaankiisa G/bari sida G/SOOL CAYN iyo SANAAG BARI in ay masuul ka yihiin dib u dhaca ka muuqda waxaanu in G/bari in ay ka aradan yihiin adeegyada Dawlada sida Wadooyinka Waxbarashada Caafimaadka waxaanu sheegay in aanay G/BARI adeeg ku filan  loona hagar bixin .

Waxaan  si qoto dheer usharixi doonaa labadan Qodob  ee hoos ku xusan’

 

(1)    Xaalada Guud ee Siyaasadeed ee ay Somaliland ku sugan tahay iminka.

(2)    Xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada iyo bulshada degan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

 

Hadii aan ku horeeyo Xaalada Guud ee Siyaasadeed ee ay Somaliland ku sugan tahay waqti xaadirkan, waxaad la socotaan Lasoo noqoshadii Somaliland waxay iminka maraysaa 24 sanadood,

Hadaba, 24kaa sanadood ee ay Somaliland jirtay, waxaa muuqata oo aan la dafiri Karin in gobolada qaar ay dadaal iyo horumar balaadhan ka gaareen dhinacyada Tacliinta Sare, dhinacyada nabadgelyada, dhinacyada infrastructure ka iyo Wadooyinka.

Halka dhinaca kale, 24kaa sanadood ee ay Somaliland jirtay, waxaa iyana muuqata oo aan la dafiri Karin in gobolada qaarkoodna ay weli taagan yihiin ZERO, dib u dhac fara badanina uu ka muuqdo dhinacyada Tacliinta Sare, nabadgelyada, infrastructure ka, Wadooyinka iyo dhamaan adeegyada arimaha bulshada.

Hadaba, Waxaa is weydiin leh waxa sababay dib u dhaca intaa le’eg iyo colaadaha soo noqnoqonaysa ee aan dhamaanaynin ee ka jira degaanadaa.

Waxaynu odhan karnaa waxaa masuuliyadoodii dayacay xukuumadihii soo maray Somaliland oo dhan, haba ugu darnaato xukuumada iminka talada haysa oo iyadu caadaysatay in ay mar walba adeegsato shaqsiyaad iyagu dano gaar ah leh, oo aan marnaba daacad ka aheyn in horumarka iyo nabedgelyada ay goboladani ku talaabsadeen la gaadhsiiyo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kalena, waxay xukuumada talada haysaa  caadaysatay in ay xilalka u dhiibto niman ay abti u yihiin iyo kuwo ay ooryo walaal yihiin, iyo kuwo kale oo ku ladhan oo dilaaliin ah, oo iyagu u dhexeeya shacabka iyo xukuumada Somaliland, Shaqsiyaadkaas oo marna xagaa dab kasoo shida iyo colaad, marna xagan xoolo iyo libinba ka qaata xukuumada talada heysa, xukuumadan oo aan weli ka gudbin siyaasada noocaas ah ee foosha xun ee sii kala fogaynaysa shacabka walaalaha ah ee wada degan somaliland.

Sidoo kale, sidaan hore u sheegayba Masuuliyiinta ka tirsan xukuumada Somaliland ee kasoo jeeda degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, ha ahaadeen kuwii hore u joogay iyo mid dhowaan la magacaabayba waa kuwo ehelnimo kuyimid  ee aan ku iman karti iyo aqoon  kursiga, oo aan wax dan ah haba yaraatee ka laheyn bulshada degan degaanada ay kasoo jeedaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn, marka laga reebo wasiirka caafimaadka oo isagu si siman oo dacada ugu adeega dhamaan bulshada somaliland

Sidoo kale, waxay Nimankaasi ay dibeda dhigeen haldoorkii, aqoonyahaniintii, waxgaradkii iyo salaadiintii ay beeshaasi laheyd ee iyagu ka mid noqon lahaa  talada dalka isuna soo dhoweyn lahaa bulshada walaalaha ah.

Sidaa awgeed, waxaan usoo jeedinayaa xukuumada Somaliland ee talada haysa inay u marto jid ka duwan kii hore ee masiirka iyo habxulashada masuuliyiinta ka soo jeeda degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn,si loo arko degaanadaas oo la wada degan yahay, degaanadaas oo la wada leeyahay, degaanadaas oo nabad ah, degaanadaas oo horumarku gaadhay, degaanadaas oo iftiimaya iyo Sidii Xal iyo Midnimo Waarta Loogu Heli Lahaa jiritaanka iyo Midnimada Dalkan iyo Dadkan Min Bari ilaa Galbeed.

 

Ugu dambeyntii, hadii xaalka Somaliland uu sidaa yahay waxaanu ku balansan nahay dhamaan waxgaradka, qurbo joogta iyo aqoonyahanada beesha Sool, Sanaag iyo Cayn, shirguud oo dhowaan ka dhici doona magaalada London ee gariga UK iyo magaalada minisota ee dalka Maraykanka oo aan anigu ka qeyb gelayo, anigoo maalinta jimcaha ee fooda inagu soo haysana aan ka amba bixi doono magaalada Hargeisa, shirkaas oo ah mid lagaga arinsanayo danaha beesha iyo sidii laga yeeli lahaa masiirka bulshada degta degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, ee ay dayacday xukuumadu. shirkaasina wuxuu noqon doonaa mid ku salaysan, Caqli iyo Aqoon oo aan ahayn mid qori iyo colaad hor leh abuura.go’aanada kasoo baxa shirkaasna insha allahu tacaalaa waxaanu kaga dhawaaqi doonaa sida ugu dhaqsaha badan gudaha Somaliland.

Ayuu Aqoonyahan  Cabdirkariim hadalkiisi usoo gabo gabeeyan

Wa Bilaahi Towfiiq

Allaa Mahad leh

Abdikarim Salah Maxamud Orme

Exit mobile version