WAJAALE NEWS

Turkiga oo Baadhaya Rag Looga Shakisan Yahay Dilka Khaashuqji

Istanbul (WJN)– Warbaahinta dalka Turkiga ayaa tebisay in qof kamid ah rag loo xidhay inay basaas ahaayeen horraantii bishan uu isku dilay gudaha xabsiga.

Turkiga waxaa uu sheegay inuu Imaaratka Carabta kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga.

Wararka waxay sheegayaan in raggan uu ku socdo baadhitaan ku aadan suurtagalnimada ah inay ku lug lahaayeen dilka weriyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji.

Kaashuqji ayaa la dilay sannadkii lasoo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xidhiidh dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta.

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Exit mobile version