WAJAALE NEWS

“Somaliland Maaha Inay Ka Xishooto In Safiirku Rasmi Ahaan Yahay Safiirka Maraykanka Ee Somaliya”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) oo kamida xisbi xaakimka kulmiye ayaa ku baaqay somaliland in aanay u magac bixinin safiirada ay dawladuhu usoo magacaabaan Somaliland balse ay usheegt in uu yahay safiirka maraykan usoo magacaabay somaliya ilaa inta ay aqoonsi ka helayso Somaliland gaar loogu soo magacaabayo safiir,

Siyaasi cali guray ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Sadexdan Madaxwayne miyuu jiraa mid ka qabtay waraaqihii rasmiga ahaa ee magacaabista Safiirka mise kuwii uu Farmaajo ka qabtay ayuun bay ku aqoonsadeen Mr Yamamato. Somaliland maaha inay ka xishooto in safiirku rasmi ahaan yahay Safiirka Maraykanka ee Somalia ilaa inta ay aqoonsi ka helayso dalka Maraykanka ee safiir gaar ah u soo magacaabanayo.

Ceeb maaha in lagu sheego xilkiisa rasmiga ah ee aan la odhan SAFIIRKA U QAABILSAN MARAYKANKA SOMALILAND IYO SOMALIA iyadoo aynu ognahay in Madaxwayne Farmaajo isagu keligii ka qabtay waraaqaha rasmiga ah ee lagu soo magacaabay safiirka.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

Exit mobile version