WAJAALE NEWS

Shirweyne La Doonayo In Lagu Soo Afjaro Colaadda Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo Lagu Qabanyo Magaalada Adama

Addis Ababa (WJN)– Shirweyne la doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka dhex taagan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda lagu qabto magaalada Adama ee deegaanka Oromada.

Madaxa xidhiidhka arrimaha dowladda ee gobolka Oromada, Admasu Damtaw ayaa sheegay in shirkan looga golleeyahay in la gaadho heshiis ku saabsan in la joojiyo colaadda ka dhexaysay labada qowmiyadood isla markaasna laga shaqeeyo sidii nabadgelyada loo dhowri lahaa.

Sidoo kale shirka waxaa lagaga wadahadli doonaa, sidii dib loogu celin lahaa guryahooda dadkii kasoo barakacay labada deegaan ee Soomaalida iyo Oromada.

Shirka waxaa kasoo qeybgeli doonaa ergooyin ka kala socda labada dhinac.

Dagaallada u dhexeeyo qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ayaa ku soo noq noqday dalkaasi, waxaana ku dhintay dad badan halka boqolaal qof ay ka barakaceen.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version